Doontii Inanku Waa Sii Degaysaa – W/Q: Xuseen Kurdi

Iyadoo muddo xaalad mashaqo leh ka taagan tahay dalka Carbeed ee Suuriya, taasoo saamayn ku yeelatay mandaqadda Bariga dhexe iyo guud ahaan caalamka, mushkiladaasina tahay mid wax badan laga saarayo Madaxweynaha iyo xukuumadiisa oo muddo sanad ah ay mucaaradku ka dalbanayeen inuu isbedelo siyaasadeed sameeyo, taas markii lga waayayna ay mucaaradka banaanbaxyada waday isu rogeen ciidan hubaysan oo dagaalamaya  ayaa qormadeenan kooban waxaynu ku eegaynaa meelahii ay ku kala duwanaayeen Madaxweynahii hore ee Suuriya Xaafid Al Asad iyo wiilkiisa Bashaar oo hadda ah madaxweyne u muuqda inuu xiligiisii madaxtinimo sii dhamaanayo, waxana aynu qaybta dambe ee qormadan kaga hadlaynaa tilmaamamaha muujinaya sida ay Doonta uu naakhuudaha ka yahay inanku ay u sii degayso.
madaxweynahii hore ee Suuriya Xaafid Al Asad waxuu kursiga ku yimid halgan dheer oo uu ka soo dhexwaday safafka milateriga iyo gudaha xisbiga Bacsiga, halgankaas oo ahaa mid qadhaadh oo ay xukunka ugu tartamayeen hogaamiyayaashii xisbigaasi, waxana uu ixtiraam ka helay taageerayaashiisii xisbiyahanada ahaa waxuuna xiligiisii ahaa nin si adag gacanta ugu haya maamulka dawlada inkastoo aan taariikhdu illaawi doonin xasuuqii uu shacabkiisa ugu gaystay Magaalada Xalab, sidoo kalena uu xaafiud Al asad mudadii dheerayd ee uu xilka hayey uu ku guuldaraystay inuu cudud millateri ama caqli diblumaasiyadeed ku soo celiyo dhulkii ay yuhuuddu ka qabsatay Suuriya gaar ahaan buuralayda Golan Hight oo dusha sare ka soo eegaysa magaalada Caasimadda ah ee Dimishiq.
Hadii aynu hadaba intaa ku soo koobno muuqaalkii odayga oo aynu in yar ka iftiimino inanka Bashaar waxuu si fudud oo lama filaan ah ugu fadhiistay kursiga madaxtooyada mana jirin dadaalo iyo halgan uu ugu soo dhibaatooday sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha dalkaasi.
taageerayaashii Xisbul bacsigu waxay bashaar xiligaa u arkayeen inan ku haboon midnimada iyo wada jirka guud ahaan suuriyiinta gaar ahaana calawiyinta tirada yar ee Xukunka haya, fikradaas oo ay la qabeen saraakiishii sare ee Calawiyiinta ahaa ee dhinaca ciidamada Horjoogayaasha ka ahaa.
Dib u gurashada ciidamada mucaaridka ka sameeyeen magaalada Dimishiq ayaa waxay u muuqata inay mucaaridku ogaadeen kuna qanceen in nadaamka Bashaar isu diyaarinayo inuu dalka ka baxo taas  darteedna ay go’aansadeen inay yareeyaan waxyeelada soo gaadhaysa safafkooda hore ee Aaga dagaalka halka sidoo kalena qorshaha ay mucaaradku dawlada kaga dhisayaan  duleedka magaalada xalab uu yahay qorshe lagu doonayo in lagu buuxiyo hanaanka dawladnimo oo aanu dhicin burbur ama fowdo ku timaada dalka hadii si kediso ah ay u goostaan Bashiir iyo saaxiibadii.
Midaynta lagu sameeyey safafka ciidanka mucaaradka oo la isu geeyey hal talisna loo yeelay Ciidamada Milateriga xorta ah iyo kooxaha kale ee loogu yeedho Millateriga wadanka oo labadooduba ahaa ciidamada mucaaradka ayaa iyana ah talaabo kale oo cadaynaysa in ciidanka mucaaridku isu diyaarinayaan gacan ku qabashada Nadaamka iyo kala dambaynta wadanka marka ay xukumada Bashaar ka faro xalato awooda , halka sidoo kalena ciidamada mucaaradka oo ay taageerayaan saraakiil u kala dhalatay wadamada Turkiga iyo Qatar ay isha ku hayaan amniga hubka kiimikada ah ee ay Suuriya haysato kaasoo laga ilaalinayo inuu ku dhaco gacanta xisbulaah ama kooxda Ikhwaanu Musliminta ee Suuriya .
Iyadoo hadaba hubkii ay faransiisku  siyeen jabhadii Zantan ee galbeedka Liibiya ay fure u ahayd jabkii ciidamada Qadaafi  todobaado ka bacdi markii ay hubka heleena ay jabhadii Zantan soo gashay caasimada Triboli ayaa xiligan waxa la is weydiin karaa hubka ay faraniisku siiyeen ciidanka Milateriga xorta ah ee Suuriya fure ma u noqon karaa inuu Bashaar Al Asad ka baxo wadanka ka hor inta aanu sidii Mucamar AlQadaafi ku dhicin gacanta Maleeshiyaadka la dagaalamaya?.
Arimaha kale ee muujinaya inay doonta Bashaar sii degayso waxa laga soo qaadan karaa Jambuuriyada Iiraan oo  mashaqada Suuriya la safan Bashaar Al-Asad, laguna eedaynayo inay  suuriya u ticmaalayso inay ka dhigato jabhad hore oo ay  kula dagaatanto wadamada reer galbeedka ayaa hada waxay ka shaki qabtaa   in jabhadaasi la soo jabsato, waxayna dhowaan u dirtay 150 sarkaal oo dagaalka magaalooyinka khibrad u leh kana tirsan ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran si ay isugu dayaan inay intii muddo ah ka  ilaaliyaan mucaaridka inay si fudud ku soo gaadhaan Qasriga madaxtooyada ee Suuriya, halka sidoo kelena ay Iiraan jabhado cusub ka furtay dalalka lubnaan , Baxrayn iyo wadanka  ciraaq oo xukuumada shiicadu hogaaminayso ay xukun dil ah ku xukuntay Taariq Hashimi oo ah nin ka ugu derjada sareeya suniyiinta carabta ah ee reer ciraaq ahna madaxwayne ku xigeenka wadankaasi isagoo ku sugan dalka Turkiga.
Degitaanka doonto inanku samaynaysaa waxay keentay in Masar oo la deris ahi ay gujisyada dagaalka ka soo iibsato dalka Jarmalka mar hadii raxantii gujisyada dagaalka  ee Ruushka ee hoganaysay  jasiirada Darduus ee dalka Suuriya ay halkaasi ka guurayso taasoo ay masarta cusubi kaaga hortegayso  in miisanka  milteri ee Gobolku uu aad u sii kala fogaado maadama Israa’iil oo Nuculer lihi ay haysato Gujisyo dagaal .
Sida uu dhowaan ku warbixiyey suxufi reer Suuriya ah oo lagu magacaabo Cabdallah Cumar kana hawlgeli jiray qasriga madaxtooyada oo uu dhowaan ka baxsaday una waramay wargayska Sharqul Awsad Madaxweyne Bahaar waxa uu hadda ku jiraa xaalad Qalaq iyo deganaansho la’aan ah, waxana uu seexdaa muddo ka yar labo saacadood habeenkii iyo maalintiiba, waxuuna daawadaa ugu yaraan Lix iyo Toban telefishin oo kala duwan kuwaasoo ay yar tahay inuu ka helo wax qanciya, mar kasta oo uu madax xanuunka iyo werwerku ku sii batana waxa uu istaagaa daaqadda xafiiskiisa oo uu ka daawado qiiqa ka baxaya magaalada uu ku nool yahay ee Dimishiq. iyadoo la adkeeyey soo gelitaankii xafiiskiisa lana baadho qof kasta oo u gudbaya xitaa haduu yahay adeerkii Maahir ama walaashii Bushrah oo ninkeedii Asiif Showkah uu ka mid ahaa afrtii wasiir ee ku dhintay qaraxii ka dhacay aqalka xarunta u ah hay’ada sirdoonka ee maamulka Bashaar al Asad, qaraxaas oo muran badan dhaliyey lana aaminsan yahay in xukuumadda lafteedu ka dambaysay.
Si kastaba ha ahaatee Lixdanka  maalmood ee foodda inagu soo hayaa waxay jawaab cad inaga siin doonaan xiliga ay ugu dambayn Mowjadaha hoos mari doonto Doonta inanka oo hadda Matoor la’aan dul heehaabaysa moolka Biyaha Badweynta.
W/Q Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi) 
xuskurdi@gmail.com 4491178