Doodda xisbiga UCID? Su’aalo Culculus oo ku socda Guddomiye Eng. Faysal Cali Waraabe?

Salaanta Islaamka kedib, waxaan u mahadnaqayaa horjoogayaasha mareegaha ummadda u fududeeya doodaha iyo aragtiyaha ay isweydaarsanayaan.

Waar mandiqu ha shaqeeyo, wax la isku haystaana ma jiraane runta ha la isu sheego. Somaliland badbaaday u baahan tahay MAANTA? Cadaaladdu ha shaqayso! Dimuqraadiyadda haloo hiiliyo.

1.       Xisbiga UCID hadduu meherad ahaa, sida Faysal sheegtay oo dadka kale shaqaale u ahaayeen, faraha ha looga qaado meheradiisa! Ha kala eryo shaqaalihiisa sida hantiilaha Maansoor ee uu ku halqabsaday maantadan!

2.       Haddii xisbiga UCID ahaa hay’ad dawliya, dustuur iyo xeer ku taagan, hogaan leh, guddi fulineed leh, gole dhexe leh, xubno leh, dee Faysal ma laha ee ciddaas ku midawday ayaa leh, qofkastaana wixii xeerkaasi siiyey ayuu ku leeyahay awood iyo lahaansheba. Haddii xisbigu ahaa mid lagu wada leeyahay xeer, dee xeerkaasaa qeexayee Faysalaw ha sheegan mana lihid!

3.       Haddii xisbigu ku dhisnaa Faysal jeebkiisa, kartidiisa, aqoontiisa, maankiisa oo aanay haba yaraatee jirin cid wax ku lahayd, dee haloo daayo.

4.       Laakiinse sida xeerka axsaabtu dhigayo, waxa waajib ahayd in la wada leeyahay ururkasta oo u ordaya xisbinnimo, inuu xataa ugu yaraan 500 xubnood ku leeyahay ugu yaraan 4 gobol ayuu ahaa yahayna sharciga u yaallaa.

5.       Haddii Faysal kelidii xisbiga ahaa, dee wuu ahaanayaa mana lagu qabsan karo.

6.       Waxaynuse ognahay in Faysal markasta oo la dooranayo dad dooran jireen, haday tahay musharaxnimo, haday tahay guddoomiyenimo. Markaas kuwaa dooranayey ee awoodda u lahaa inay doortaan, saw in aanay dooraninna awood umay lahayn.

7.       Xisbiga UCID waxa uu marayaa meel cross-road ah, dimuqraadiyadda Somaliland ayaa miisaan saran maanta, haddii qof yeesho xisbiganna, xisbiyada kale ee jira iyo kuwa soo socdaaba waxay noqonayaan wax qof keli ahi yeeshay.

8.       Sidaa darteed, haloo hiiliyo dimuqraadiyadda iyo cadaaladda. Dulmigu ma fiicna in indhaha la iska tuuraana ma fiicna.

9.       Ninkii jiray wuxuu yidhi, Gar Dabadeedna gunu’ gunu’ baan nacay! Faysalow, maxkamad baad arrinkaagii gaysatay, looyaraad qabsatay, maxkamaddii ugu saraysay ee Somaliland oo dhanbaad arrinkaagii u dhiibatay, waa maxay gocashadaad wadaa?

10.   Waa maxay xagal-daaca aad wadaa?

11.   Waa maxay dhaarta iyo hanjabaadda aad wadaa?

12.   Waa maxay dar-daarwarintaadu?

13.   Ragga aad is haysaan miyaanay kaa tiro badnayn? Miyaanay ahayn aqlabiyaddii xisbiga aad guddoomiyaha u ahayd hogaankiisa ee ku sitay, tuurta kugu sitay, kula dagaalamayey, maal iyo mood waxay lahaayeen kuu huray?

14.   Miyaanad ahayn shakhsi lamida dadka kale oo sharciga hortiisa daciif ku ahayn?

15.   Ma sharcigaad ka weyntahay oo aad ka culustahay?

16.   Maxaad kaga duwan tahay raggii mujaahidiinta ahaa ee markii maxkamaddu ka xukuntay bannaankaas ka maray ay kamid ahaayeen Muj. Muuse Biixi Cabdi, Ciise Curaagte, Cali Warancadde?

17.   Mise Mujaahid Axmed Siilaanyo ayaan ka weyntahay oo wadankan usoo halgamay oo 84 cod maxkamadi kaga xukuntay halgan aad ogeyd intuu ku qaatay? Isagoo weliba dawlad dhan laga helay, adiga xisbi ayaaba lagaa helaye?

18.   Mise Madaxweyne Rayaale ayaad ka weyn tahay oo bannaankaas laga mariyey dawlad dhan oo uu kusoo tabcayey 8 sannadood naftiisuna halis ku gashay?

19.   Guddoomiye, Illaahay usoo noqo oo naftaada runta u sheeg?

 Wallaahu Mustacaan

Dr. Abdirasaaq Boodhe

drboodhe2009@gmail.com

Deira Dubai