Doodda Xeerka Cashuur-kordhinta ah ee Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada oo Xumaddeedu Sababtay inay Is-Faro-saaraan Mudaneyaasha Mucaaradka iyo Kuwa Muxaafadku

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maalintii saddexaad Ku Guddo jira Dooda Xeerka Horumarinta Waddooyinka oo uu dhawaan Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland hor keenay, kaas oo xambaarsan cashuur-kordhin xukuumaddu dabada ka riixayso.

Mudaneyaasha Golahaasi ayaa si aad ah ugu kala aragti duwan xeerkan, waxaanay u qaybsameen laba garab oo qaarood si ah uga soo horjeedaan ansixin xeerkan iyo kuwo u sacabbo tumayay ansixinta xeerkan, taas oo sababtay gacan-ka hadal maanta dhexmaray labada mudane oo ka kala tirsan garabyada Baarlamanka.

Gacan ka hadalkan oo dhex maray Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo si aad ah uga soo horjeeda Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo cashuuro xad dhaaf ah lagu saarayo gaadiidka kala duwan iyo xoolaha laga dhoofiyo dalka iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye isla markaasna ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha bulshada ee Golahaas oo taageeraya ansixinta Xeerkaas.

labada xildhibanXildhibaan Buubaa ayaa intii uu ku gudo jiray doodda Xeerkaasi dhawr jeer magac dhabay Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo uu sheegay in uu xeerkaasi wato, taas oo sababtay in Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe uu isna xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa dhowr Ka dhex galayay doodda isaga oo weedho ku tuur-tuurayay.

Markii uu xildhibaan Buubaa soo dhammaystay Dooddiisa una soo holladay inuu Kursigiisa soo fadhiisto, ayaa waxa meel kursigii uu fadhiyay ka soo ruqaansaday xildhibaan Kijaandhe, waxaanu u soo jihaystay dhinacii uu ka xigay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, halkaas oo ay isku weydaarsadaan gacmo-tuur-tuur iyo is-gordaafayn dhexmartay. Isla markiiba waxa labda mudane kala gaadhay xildhibaannadii golaha oo gurmad ka dib ku guulaystay inay kala furdaamiyaan labada xildhibaan ee is-gacan saaray oo da’ ahaan aan isku ged ahayn, mana jiro wax khasaare oo labadooda soo kala gaadhay.

xildhibaanGuddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo fadhigaasi shir-guddoominayay ayaa amar ku bixiyay in dibadda looga saaro fadhiga labada mudane ee uu gacan ka-hadalku dhex maray, waxaanay dhacdadani noqonaysaa tii u horeysay nooceeda ee dhexmarta mudaneyaasha Golaha Wakiillada muddadii ay jirtay xukuumada Madaweyne Siilaanyo, waxaanay bedka soo dhigtay kala fogaanshiyaha wakhtigan soo kala dhexgalay xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ee uu guddoomiyaha u yahay hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net