Doodaha Ugu badan ee kusoo Baxa Saxaafada Somaliland, waxay sal ku leeyihiin Muj. Muse Biixi!

 “السلام عليكم, Anigoo Mudo badan aan waxba ka qorin Siyaasada Somaliland waxna ka odhan, waxaa qalinka igu kalifay, markaan u adkaysan waayay dhaleecaynta lagu hayo Mujaahid Muuse Biixi iyo Waliba Madaxweyne Siilaanyo oo labaduba Somaliland ku leh Taariikh Dahab ah, Balse wakhtiyadan danbe si qaawan loo aflagaadeeyo”

Markasta oo uu Mujaahid Muuse Biixi ka Hadlo Siyaasada Somaliland, waxaa  aynu aragnaa in Qolooyinka Mucaaridka ku ah Muuse Biixi Hadaladiisa ay badalaan Xumaan, Saxaafada Somaliland-na lagu baahiyo Qoraalo dhaleecayn qaawan ah.

Horta waxaa iska Cad inuu Muuse Biixi yahay Siyaasiga Reer Somaliland ee loogu Faalayn badan yahay, Mar walbana lagaga Doodo Saxaafada Somaliland. Nin rag ah uunbaa la Faaleeyaa, Doqon cidi masoo hadal qaado,Hadal haynta badan ee Muj. Muuse waa mid qiraysa Raganimadiisa, Ninka rag ahna Cadaw badan ayaa mar walba uu leeyahay  oo xaasid ku ah Cirdigiisa iyo Noloshiisaba.

Mujaahidinta, Siyaasiga, aqoonyahanka in la afla gadeeyo waa dhaqan ka caadi ah Somaliland dhexdeeda!

Bulshada Reer Somaliland badankeeda Waxaa Caado u ah in ay dhaleeceeyaan Mujaahidkooda, Aqoonyahankooda, Siyaasigooda iyo Mid kasta oo wax tar lehba, Waxayse Amaanaan Marka uu dhinto!

 Hadii aan dib ugu noqono waxaa ina soo martay   ilaahay ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibrahim Cigal, in  Si walba loo caayi jiray wax walbana lagu yidhi, Maantase waxaa aynu aragnaa in xataa kuwii caayi jiray ay Amaanaan, Taasi waa mid ka mid ah dhaqanka Reer Somaliland, inagumana Cusba Dhaqankaasi.

Yar iyo Weynba Madaxweyne Siilaanyo waynu xasuusanaa   kaalintii uu kaga suntanaa Maalmihii qadhaadhaa, Halgankii SNM iyo Yagleelkii Somaliland , xataa heer dumarku ay ku heesi jireen “ Siilaanyo dhalay sida Dhibica Roob, soo dhigay Isaaq wuu dhacay Siyaad” Nasiib darose inagoo iska indho tirayna taariikhdaas balaadhan ee Siilaanyo, Maanta Isagoo Madaxweyne ah  waxaynu ku dilnay Ciil halkii aynu uga hiilin lahayn,  Ciil dartii Heer xataa uu gaadhay  inuu ka seexan waayay oo Labiyo tobankii habeenimo uu warsaxaafadeed qabtay.

Maxaa loo dhaleecayn Waayay Siyaasiyiintii la shaqayn jiray taliskii Siyaad Bare loona Bahdilaa Mujaahidinta Sida Muj. Siilaanyo iyo Muj. Muuse Biixi?

Rag badan oo manta dalka sharaf ku leh ka tirsan Xisbiyada Somaliland siiba kuwa Mucaaridka ah, waxay u badan yihiin ragii la shaqayn jiray Taliskii Siyaad Bare iyagoo waliba ahaa qaarkood Basaasin, Raga noocaas ahaa ee iyadoo dadkoodii la laynayo afka loo buuxiyay ee xamar ku raaxaysanayay iyo ninka isagoo siyaasi ahaa, waliba Mansab sare ku lahaa Xukumadii Somalia  Maalin cadna ka dhaqaaqay horta in la simaa ma Xaqbaa?

Waxaan leeyahay Bulshada Reer Somaliland kala barta ka idin wanaagsan iyo ka idiin xun taariikhdana Barta, Hana noqonina Dameeri dhaan raacday. Waxaa nasiib daro ah in Mar walba la sharaf dilo, Siyaasiga ama aqoonyahanka  waxtarkiisu muuqdo, Halka kuwii la shaqayn jiray Taliskii  Siyaad bare ee manta dalkeena sharafta ku leh ee waliba xilalka  kasoo qabtay Somaliland, waliba sidii kubada inagu ciyaaraya mar  walba loo taageero, loona niikiyo.

Qolooyinka qoraalada qaawan ku dhaleeceeya Muj. Muuse Biixi iyo Mad. Siilaanyo waxaan leeyahay intaa Mujaahidiintii difaaca dalkooda iyo Dadkooda kaymaha u galay, ee ka dagaalamy, in la idin gumeeyo aad ku mashqulaysaan, waxaa idiin wanaagsan inaad ku mashquultaan Ragii Faqashta la shaqayn jiray oo aad wada garanaysaan dhamaantood!

Ujeedada ka danbaysa in mar walba la dhaleeceeyo lana majara Habaabiyo Taariikhda Dahabka ah ee Muj. Muuse Biixi.

Muuse Biixi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Hadii ilaahay yidhaana ku talo jira inuu isku soo sharaxo Madaxweynenimada Dalka Somaliland, Ujeedada ugu wayn ee ka danbaysa in la la Bahdilaa waa mid ku xumayn ah, loogana dan leeyahay in lagu baabiiyo Siyaasada Muuse ee Mustaqbalka, Balse Nin Muslin ah in aad sharaf dishaa kana been abuurtaa waa danbi wayn.

Waxaa sida dharaarta u cad in  Mucaaridka  mar walba kasoo horjeeda Muuse Biixi ay yihin dad gaar ah oo la yaqaano,  waxaanay tusaale usoo qaataan ama yidhaahdaan Muuse waxa uu ka qayb galay Dagaalo Sokeeye, Muuse waxa uu yidhi “Anoo wax dili kara Duco qaadan mayo” Muuse wuxu sameeyay……………………Muuse wuxu ………………….  Muuse Wuxu…………………………. Muuse wuxuu…………………..! Been maaha,  Muuse Biixi dagaal sokeeye waa uu ka qayb galay wuxuuse difaacayay Qaranimada Somaliland, Dagaaladii sokeeye cid aan ka qayb galina way yar tahay, Markaa  in Muuse Biixi la tilmaansado ujeedada ka danbaysaa waa mid ka durugsan Dagaal Sokeeye.

Mar kale qolooyinka Mucaaridka ku ah Muuse Biixi,  waxaan leeyahay Taariikhdu ma Duugawdo,  Muuse Biixi waa nin Mujaahid ah oo Dalkiisa iyo Dadkiisaba Jecel una soo dagaalamay oo kaymaha u galay, Muuse Biixi waa nin miisaan culus ku leh Siyaasada Somaliland, Muuse waa aqoonyahan kartidiisa iyo waayo aragnimadiisuba ay u saamaxayaan inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland, Sharaf dilka Muuse maaha mid aad ku liibaanaysaan, waxaanu  meel wanaagsan kaga qoran yahay Taariikhda Somaliland.

 “Guntii iyo Gabagabadii Reer Somaliland, inta uu hayo Xanuunka Qabyaaladu Horumar, Ictiraaf labaduba ka dheer, Talaabo laga qaadana hadalkeedba daa’, waayo hadii talaabo la qaado, sida aynu u naqaan, Reer ayay dan u tahay Reerka kale ee aanay danta u ahayna ogolaan mayo talaabadaasi. Hadii siyaasi la taageero Qabiil ayaa lagu taageeraa balse kartidiisa iyo aqoontisa laguma taageero waata heerkaas maraysa Qabyaalada Reer Somaliland”

Wixii Gef ah ee qoraalkayga ku jira ilaahay ayaan danbi dhaaf ka waydiisanayaa.

Fuaad Abdillahi Hassan

Fuaad_phy@hotmail.com