DOOD: GAYAANKA IYO GUURKA

Maalin dhawayd oo aan furay Sanduuqa Fariimaha E-mailkayga waxa igaga soo baxday qoraal si kama’a ah la iigu soo diray. Cabdi yare (Maaha Magaciisa saxda ah, si aynu u qarino sirta dadka), waxa uu email u qoraayay qof kale oo sidaan ka dhan dhansaday hadalka aan is idhi malaha waa walaalkii ama waa inaadeerkii amaba waa sxb kii, guud ahaana waxa uu ka cabanayay Cabdi Yare lamaanihiisa  ama oridiisa, isagoo qofka uu lahadlayo ku lahaa walaal maalintii aad igula talinaysay in aan gabadhaa guursado waanigii ku lahaa, walaal guurku waxa uu ku fiican yahay in ay labada qof is xushaan ee aan la isku qasbin……… walaal waa taan ku lahaa Reer galbeedku waxay ku maahmaahaan (As you make your bed you must lie upon it.)  oo micnaheeduu yahay (  You should choose carefully the person you marry), ……….. Walaal waa taan ku lahaa ………… walaal waa taan ku lahaa ………………. waxbadan ayuu sheegay ninka cabanayaa. Dhamaan waxaa uu ka cabanayay oo dhami waxay u badnaayeen waxyaalo  ku salaysan ama la jaan qaadaya xiligan aynu nool nahay. markiiba waxa maskaxdayda ku soo dhacay gabay magaciisu ahaa (Guur aan ka la’aado) oo dugsigga sare lagu dhigan.Gabaygan Guur aan ka La’aado waxaa tiriyey Allaha u naxariistee Yuusuf Maxamed Xirsi oo ku magacdheeraa Aw Yuusuf-barre.  Wuxuu gabaygan Aw Yuusuf tiriyey xilli lagu qiyaasay  sanadkii 1922kii. Gabayaagu wuxuu tusaalaynayey kuna halqabsaday laba nin oo ay midna ilma adeer ahaayeen midna uu adeer u ahaa, lana kala odhan jiray Hassan Abdi Ali (Gurey) iyo Ali Hassan Ibraahin (Daroor.)     Nimankani waxay ahaayeen barbaar guur doon ah, abwaankuna wuxuu jeclaystay inuu tusaaleeyo gabadha guurka ku habboon iyo midda aan ku habboonayn sifaadka kala duwan ee lagu aqoonsado.  Haddaba, gabayaaga ayaa tilmaamay sifaadka uusan shaqsi ahaan jeclayn, Gurey iyo Daroorna wuxuu kula talinayaa in aysan guursan gabadhihii calaamadahaa yeelata ama lagu tuhmo.

(Fiiro Gaar ah Maaha hablaha oo kaliya in la takoorayo ee wiilasha qaar kamid ah ayaa leh ama yeelan kara sifaad ama astaamo aanay habluhu Jeclayn kuna haboonayn in ay guursadaan wiilasha sifaadkaa ama astaamahaa leh).

HADABA MARKAAD ILLA EEGTAAN ASTAAMAHA AMA SIFAADKA UU TIRAYAY GABAYAAGU XILIGAAS UU NOOLAA MARKA LAGA YIMAADO, MAXAY YIHIIN ASTAAMAHA AMA SIFAADKA AY LEEYIHIIN GABDHAHA AMA WIILASHA AAN GUURKA KU HABOONAYN.?

HADAAN ANIGU U HOREEYO GABAYGA KUMA ARKO IN RUUXA AAN GUURKA KU HABOONAYNI YAHAY

1. RUUX AAN ALLE KA CABSI LAHAYN.
2. RUUX MAS’UULIYAD QAADI KARIN
3. RUUX BALWAD LEH (SIGAAR, QAAD, KHAMRI, IWM)
4. RUUX AAN TABCANAYNIN ( A young idler, an old beggar.)

Intaas ayaan ku bilaabi lahaa, laakiin marka Maskaxo fara badan la isu geeyo waxaynu soo saari karnaa sifooyinka ama astaamaha ruuxa aan ku haboonayn in Lamanahaaga uu noqdo, Qoraalkaas oo dhaxal gal noqon kara kana samayn karno Buug ama Tilmaame Gayaanka iyo Guurka ka hadlaaya.

Waxay illa tahay in aynu ka shiidaal qaadano Astaamaha dadkii hore ku xulan jireen Lamaanaha Nolosha la wadaagaya sida ku cad gabaygan hoos ku qoran.
Wuxuu yidhi Alle ah u naxariistee Yuusuf Maxamed Xirsi oo ku magacdheeraa Aw Yuusuf-barre. 

  • Gurey iyo Daroorow arini, waygu gabileeye
  • Wax i galayba waan uun galgalan, gu iyo jiilaale
  • Galbi-dhabadka waxa iigu wacan, hal igu gaarnaaye
  • Garanna wayde meeshaan qalbiga, uga gufaacoone
  • Guddigayga caawaba maqloo, geliya laabtiina
  • Oo wada guntada xaajadaa, odaygu soo guurshay
  • Gaashgaashka waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe
  • Ha gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye
  • Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta
  • Ee guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine
  • Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne

  • Bidhaan gebi ka laalaada waa, lagu gulaalmaaye
  • Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane
  • Gaboodleyda gaashidu kutaal, labada goonyoodba
  • Ee maradu geyngeyman tahay, guur aan ka la’aado
  • Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
  • Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
  • Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
  • Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
  • Gaadhgaadhka awrtiyo nirgaha, geela laga reebay
  • Gurijoogta xoolaha midaan, goosanka u diidin
  • Een garanin soo dheelan ee, guriga uun joogta
  • Gudbantaan halkayguba galayn, guur aan ka la’aado
  • Allow garawo giirka iyo afka iyo, ganafka uun taageysa
  • Oo qoolka uun kula galdi’i, magac waxay gaadho
  • Gandihii miduu wada nacee, gacalka fiigaysay
  • Gool boodadii laga samree, goysay ubadkeeda
  • Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka la’aado
  • Geediga hayaanka ah midaan, gaadhin waligeedba
  • Ee gabanta loo sido sidii, goodir noo curatay
  • Waa geeri naagtaan ritiga, kuu gadh qabanayne
  • Reerkoo gawaan degay dadkoo, gibbiladii waabtay
  • Anoo galangalciyo oon la tuban, furayna gaadiidka
  • Geedaha hadii lala dhexgalo, gudimo oodeedda
  • Galoon badhaxa uma dhaamin karo, geedantada jaane
  • Guul iyo cidlay igu waddaa, goox aan yuurure’ee
  • Gosha laga cabsooniyo xidhkay, gooshu ka adeegi
  • Gaade iyo intay bahal isiin, guur aan ka la’aado
  • Midda gaaban ee garabkiyo, guudku wada joogo
  • Ee socodka uma gaatisee, gididiflaynaysa
  • Ee gura ma laacdee ritiga juu, ku ganacgoysa
  • Janbal gibin ah een golos ahayn, guur aan ka la’aado
  • Carmal jeer hortay guursatoo, geeda soo shidatay
  • 0o iga gu’ wayn oo taqaan, gaadmo iyo dhuudmo
  • Waxay gogosha ii saxartirtoo, illaxidh goysaaba
  • Dhowr habayn markii lala golyoo, gaax lakala maalo
  • Gadaal bay lasoo bixi dabbaro, hor ugu gaarnaaye
  • Intay galab i aynabi lahayd, guur aan ka la’aado
  • Middaan cowska soo guran aqoon, garab ku boodhlayda
  • Galgalin jiifta bacadka uun galgalan, gu’ iyo jiilaalba
  • Oo golaha qoyska iyo ninkaba, leexadu is goysay
  • Ee giiryar baa cunay i odhan, guur aan ka la’aado
  • Galbashada dharaartii middaan, gaadhka iga haynin
  • Een garanin goortii wakhtiga, aanan gafayn reerka
  • Een guurahaygii milshiyin, aar gudaan ahaye
  • Anoo luga gorgoray taagnidii, gogosha oo laaban
  • Intaan ciil la gow odhan lahaa, gaada iga haysa
  • Amaan goor xun daydayan lahaa, guur aan ka la’aado
  • Maradaan u gaday khayligaan, gugakan soo iibshay
  • Garbasaar hadaan ugu darriyo, boqoro giirgiiran
  • Wal maxidhato ganaca uun banayn, guur aan ka la’aado
  • Galoolka iyo cowskay badhkood, guna ka gooyaane
  • Garba duubantaan laga dayeyn, gala in ay laabto
  • Waxay hooyadeed garab degtoo, la i gargaaraaba
  • Mar haddaan ka guurana hadday, biidna garan waydo
  • Gabbaad kob aan lahayn kuma gam’ee, guur aan ka la’aado
  • Dumaal gaban leh gaayaa tufley, waa mas geed galaye
  • Haddaan wiilka guulguulo, way igu guhaadoone
  • Waa gool dhashii haysatee, guur aan ka la’aado
  • Gabdhahoo ciyaar tuman raggoo, yara dul goocaaca
  • Golostay ujeedeen haday, guluca soo saarto
  • Waxay guuntu boodoo ciyaar, daba gablaysaaba
  • Goobtii midii lagula hadhay, geedka dhiniciisa
  • Garaclayda geelada irmaan, guur aan ka la’aado
  • Gool weyn middii loo qaliyo, gogol lasoo dhoobay
  • Gab hadday tidhaahdoo martidu, igu dul gowriirto
  • Weelkeedu tuu gorof yaheen, laguba gaaraynin
  • Nin guraar minkii loodhigeey, gobbi la yaabtaaye
  • Intaan ciil la gow odhan lahaa, guur aan ka la’aado
  • Talaabada midaan gaw kasiin, gooray soconayso
  • Oon gola baxayn oon xarago, gacanta saydhaynin
  • Een dumarka gaasirin giddigii, guur aan ka la’aado
  • Allow gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo
  • Raaliyo garaad badan midaan, iga guhaadaynin
  • Adaan gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa.

Gabaygani Soomaali idilkeed ayuu si ba’an ugu baahay, cid walba oo gabay iyo dhaqan aqoon ahina abwaanka ayey aad ugu qaddarisaa xikmadda wax ku oolka ah ee uu kaga tagay gabaygan dhexdiisa.

A.A.MIRE