Djibouti oo heshiis kula gashay Shirkadda Oyster Oil & Gas qodaalka ceelal baasiin oo ku fidsan ilaa xuduudka Somaliland

Djibouti, (SLpost)- Shirkad lagu magacaabo Oyster Oil & Gas ayaa heshiis wadaag ah oo shidaal-qodis ah la gashay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, kaasoo saamaynaya afar ceel oo gaasta iyo shidaalka ah.

Sida lagu faafiyay shabakadda wararka ee Oilvoice Lambarrada ceelasha ayaa lagu sheegay inay kala yihiin 1, 2, iyo 4 ayaa iyagu ku yaala berriga, halka ceelka afraad ee Block 3 uu ku yaalo badda hoosteeda. Baloogyadan oo la sheegay inay ku dhacaan dhulalka gubanka ah ee ku teedsan badda cas iyo gudeheedaba, waxa la aaminsan yahay inay qaadanayaan ugu dhawaan dhul gaadhaya 14,100 km. dhulka Gubanka ah ee la aaminsan yahay inuu shidaalku ku jiro waxa uu ku fidsan yahay ilaa guddaha Somaliland, halkaasoo lo ohayo caddaymo adag oo muujinaya inuu ku jiro shidaal iyo gaasta dabiiciga ahiba, isla markaana hore loo ogaaday inuu shidaal ku duugan yahay, ka dib markii qodal lagu sameeyay. Sidoo kale, warku wuxuu sheegay inay muhiimad balaadhan leeyihiin ceelal shidaal oo iyana ku yaala meelo u dhaw dalka Yemen.

Shirkadda Oyster Oil ayaa immika haysata 100% rabitaanka shaqada iyo ka hawlgalka Baloogyada 1, 2, 3 iyo 4. Barnaamij balaadhan oo shaqo ayaa la bilaabi doonaa, si loo qiimeeyo muhiimada qoditaanka baloogyadan.

Dhinaca kale, Shirkadda Oyster Oil & Gas, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen oo lagu baahiyay isla bogga ay Inter-netka ku leeyihiin, waxay ku sheegeen inay dawladda Djibouti abaalmarin u siisay afar baloog oo bed-ka dhulka ay ku fadhiyaana uu gaadhayo 14,100 km oo laba jibaaran. Kambanigani waxa uu sheegay inay ceelashani taagan yihiin wejiyadii ugu horeeyay ee qodaalka, iyada oo macluumaadka laga hayaana ay aad u kooban yihiin. Hase yeeshee, Shirkadda Oyster ayaa ku kalsoon inay dhawrkaa ceel ay ku dhaadhacayaan ilaa dhulalka gubanka ah ee loo yaqaano Gondwanaland, kuwaasoo ah kuwa ugu waawayn ee ku yaala dhulka Guban-ka ah.

Afarta ceel ayaa ka ugu wayni uu ku yaalaa meel ka baxsan badda ee Baloog 1, kaasoo ku sii fidaya ilaa biyaha Gacanka Cadmeed ee ay qaybaha koonfureed ee dalkaas, isla markaana wuxuu gaadhayaa ilaa xuduudaha Somaliland.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net