DJIBOUTI IYO SOMALILAND MALAHA ISMABA BARAN?

Gal dad liqa ulbaa lagu dayaa laga dambeeyaaye

Waligiinba ceel dowlis laad dalaqtidhaahdaane

Ehelkii kula dhashiyo aabbahaa kuguma daayeene

Malaha mid uu warfaa deyriyay oo daahanbaad tahaye

Waxa gabaygani tiriyey Alle ha u naxariistee gabyaagii weynaa ee Faarax Nuur

Waa qoraal kooban oo aan Djibouti uga caqli celinaayo, falalka iyo siyaasadaha gardarrada ah ee ay kolba kula soo kufayso waddanka Somaliland. Waxa aan waxyar uga sheegayaa, waxa ay tahay Soomaaliland. Waxa aan xusuusinayaa taariikho madhaafaan oo aanan ku fogaaneynin.

Dalka Jamhuuriyada Somaliland waa dal ay ku midoobeen sifooyin badan oo iska soo horjeeda. Waa dal aan fulaynimo lagu xaman, gardarrona lagu ogayn, dhiig sokeeyana aan jecleyn. Waa
dal dagaallama marka ay xaaladdu dagaal ka fursanweydo oo kali ah, inta kale xal nabadeed wax ku raadiya. Waa dal aan cududiisa ciidan la hor istaagi karin, oo waayo badan lagu hungoobay. Waa mid aan cadaawaha u tudhin marka tudhis isaga laga waayo. Diirnax dadnimo ku dheehantahay iyo halaakeyn ninkii joogsanwaaya waa mid ay Somaliland ku caantahay.

Filashadayda Djibouti Somaliland ismey baran oo aragtideeda gaaban ee ah “Somalia waa mid” ayaa wax ka qaladday, oo ay danaheedii ku hilmaantay. Malaha waddanka Soomaaliya ee ay Somaliland oodwadaagtayahiin ee ay iyadu siyaasaddedda faraha kula dhex jirto ayay Somaliland u haystaa. Malaha warka kuwaasu siiyaan ayay xaqiiqdaba kaga hallaabeen. Malaha isku dherarin ayaa ku jirta oo waxa ay isleedahay Somaliland isku tijaabi. Laakiin waxa aan u sheegayaa, Eretria ayaad ka cabaneysee Somaliland ciil baad kala hoyan.

Haddii aanan kugu badin oo aan waxyar Djiboutiyeey Somaliland kaaga sheego, Ingiriiska waddamo badan oo adduunka ah gumeystay, Somaliland waxa uu kala kulmey wax uusan adduunyada kale ku arag. Waxa uu xaqiiqsada in ay tahay waddan maskax ahaan xora, aragtidooda siyaasadeed ka horrayso ama ay u dhigantoa. Waxa saan lagaga saxeexay waxyaabo aanu filaynin in ay dadkani fahamsanyahiin, isaga oo horta horeba xisaabta ku soo darsaday in aan cidna waxba saxeex odhaneynin. Waxa uu dhibaato la’aan kaga tagay waddanka, markii ay shacabku dooneen in uu qunyar iska tago oo maamulka soo wareejiyo. Halkii uu Faransiis ka yeelay Djibouti, halkii uu kaga sameeyey wax aan rag lagu sameyn ee uu ku

sameeyey, Ingiriis Somaliland waxa ay u wada dhaqmayeen sidii lagu heshiiyay, oo wax gumeysi layidhaahdo geedbuu ku laalay.

Waxa ay Somaliland cudud ciidan iyo xal siyaasadeed oo is huwan ku kala tuurtay Soomaaliyadii hore oo ahayd qaran cududiisu Afrika aan looga daba hadli jirin oo kor u kaadji jiray, isla markaana waxa uu faro adag kaga soo qaatay xorriyaddiisii uu ku aaminay balse ay iyadu khayaamaysay.

Waxa uu nabadgalyo kula noolyahay waddamada dariska la ah ee ay geeska ku wada yaallaan. Iska daa dhibaato uu gaadhsiiyo eh, waxa uu ka caawiyaa sugidda ammaankooda. Waxa uu ilaliyaa maslaxada iyo danaha waddamada jaarka ah, si isagana tiisa loo dhowro. Waxa uu cafiyay waddamo badan oo dhibaatooyin ka soo gaadheen. Waxa laga xusi karaa, Soomaaliya, Djibouti iyo waddamada Carabta oo Somaliya gacan saar kula lahayd halakeynta iyo gumaadka shacabkii ku baxay dagaalladii 1988.

Madaxweynaha Djibouti oo aan is lahaa waa siyaasi ruug caddaa ah, balse ay muuqatay in uu yahay warmooge dhageysta mowjadaha qaldan, waxa aan kula talinayaa in uu san sahayan mustaqbalka waddankiisa aannu jecelnahay. Waxa aan u sheegaynaa in uu joojiyo sheegashada dhul ay Somaliland leedahay, oo kala kulmi karo dhibaato uusan ka soo waaqsan. Waxa aan kula talinaynaa in uu san ku soo qaadin aflibaax oo sida looga baxi karo Ilaahay uun ka warrami karo. Waxa aan ugusoo gunaanadayaa in aanu soo dhafin nabadda iyo wada noolaanshaha labada shacab, intaa waxii ka badan Ismaaciiloow maalin kale ayaa leyska waraysan doonaa.

 

Maxamuud Daahir Cismaan

Cilmi Baadhe Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda ah Baadigoob@hotmail.com