DJIBOUTI: Guddoomiyihii Baarlamanka Jabuuti oo maanta Aas Qaran loo sameeyey iyo Wefti Dawladda Somaliland u dirtay

Maxamed BiixiDjibouti (SLpost)- Magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa maanta aas-qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arnaud Cali oo Khamiistii ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo xanuun dhinaca Curuuqaha ah lagaga daawaynayey.

Meydka Marxuumka oo diyaarad lagaga qaaday Cusbitaalka uu ku geeriyooday ee magaalada Nairobi, ayaa xalay laga dejiyey garoonka diyaaraha ee magaalada Jabuuti , iyada oo maanta Aas qaran oo madax badani ka qayb-galayso loogu qabanayo magaalada Jabuuti.

Waxaana madaxda ka qayb-galaysa Aaska Marxuumka ka mid ah Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, kaas oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha GWasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiillada Baashe Maxamed Faarax.

Weftiga Xukuumadda Somaliland ee ka qayb-galaya Aaska Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti, ayaa shalay gelinkii dambe ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, in kasta oo aanay weftigu la hadal warbaahinta.

Waxa kale oo isla shalay magaalada Hargeysa ka amba-baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay rafiiq ama saaxiib dhow ahaayeen Guddoomiyihii Barlamaanka Djibouti Allah Ha u naxariistee Marxuum Idiris Arnaud Cali.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda Xisbiga Qaranka oo ka hadlay geerida Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti, ayaa shacabka iyo dawladda Jabuuti ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Idiris Arnaud Cali oo ay ku tilmaameen shakhsi kaalin muhiim ah ka soo qaatay dhismihii iyo horumarka dalkiisa