Djibouti: Faahfaahinta Kulan dhexmaray Madaxweyne Geelle & Madaxweynaha Soomaaliya iyo Arrimaha ay ka wada-hadleen

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta socdaal ku gaadhay caasimadda dalka Jabuuti, kaddib sida la sheegay marti-qaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Md Farmaajo oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada waxa magaalada Muqdisho ka qaadday diyaarad khaas ah, waxaanu markii uu gaadhay ka dagay gegida diyaaradaha ee magaalada Jabuuti soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Jabuuti.

Intaas kaddib, madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha ku wehelinayey safarka waxa loo gelbiyey dhinaca Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

FAAHFAAHINTA WARKAN IYO ARRIMAHA AY KA WADA-HADLEEN LABADA MADAXWEYNE, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE.Â