Djibouti: 9 qof ayaa ku dhimatey 9 qofna wa lalaayahey dooni sidey tahriibayaal Ethiopian ah oo ku dagtey Khor-Angar

Djibouti(SLPOST)Dooni siday dad gaadhaya ilaa 36 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dagtey meel aan ka dheereyn xeebta Khor-Angar ee gogolka Obock, wararku waxey sheegayaan in 9 qof ku dhimatey, qarkalana  raadinaayo  9 kale meydkoodii.

tariibayaal

Sida wararka naga soo gaadhaaya Djibouti shegayaan dadka 9 qof oo dhimatey iyo 9 maydkoodii wali lalaayahay, dakani badankoodu waxey u dhasheen dalka Ethiopia iyagoo in ay qaxooti ku tagaan wadanada carabta.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtey in ay u gurmatey si loo badbaadiyey dadka nolosha logu gaadhay, iyadoo baduu aad ku kacsan tahay dabeylo xooglana jireen ayaa la sheegayaa in ay u sabab tahay masiibadan ku timid qaxootigan.

Siday sheegayso Hay’ada Bisha-Cas ee Djibouti, Meydka tahriibayaasha ayaa lasoo gurey meel u jirta inlaa 8 kilometre xeebta Khor-Angar, Inkastoo dalka Jamhuuriada Djibouti xakameysey in la Tariibo xeebaha Djibouti, waxaa dhacda in meelo qarsoodiya tahriibayaashu ku balamaan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

EdetirSomalilandpost@live.com