Diyaaradda Malaysia Airlines oo maalintii afaraad la Dey Deyayo

Malaysia(SLPOST)Waxaa maalinta labaad galay baadi-goobka mid kamid ah diyaaraddaha Shirkadda Malaysia airlines oo si kedis ah loo waayey.

73493888_6bd7e306-a9fa-4f2a-96b4-27bac8ebdf67-400x225

Masuuliyinta Dowladda Malaysia ayaa maanta oo talaado ah sheegay in ay balaariyeen raadinta diyaaradda isla markaana la baarayo Xeebaha Galbeed ee Malaysia.

Waxaa iminka diyaaradda baadi-goobaya 40- diyaaraddo isku jira kuwa qumaatiga u kaca iyo 34-maraakiib dagaal, waxaana iska kaashanaaya raadinta diyaaradda sagaal wadan oo uu ku jiro Mareykanka.

Qoysaska dadka saaran diyaaradda ayaa niyad-jab ka muujiyey baaritaanka dheeraaday, waxaana ay ugu yeereen Shirkadda in ay siiso war cad. Qoysaska ayaa loo sheegay in ay u diyaar garoobaan wax walba oo la xiriira masiibo.

Dowladda China ayaa iyaduna dhaleeceysay gaabiska baaritaan ee Malaysia, iyadoo dadka u badan ee saaran diyaaradda u badan yihin reer China oo 154-qof.

Warar soo baxayay Isniinta ayaa sheegaayay in surtagal tahay in la afduubtay diyaaradda kadib markii la ogaaday in diyaaraddu ay raaceen labo qof oo watay baasbooro Talyaani iyo Austria oo ay soo xadeen, balse khuburrada duulimaadyada iyo Sirdoonka ayaa arrintaas si cad u muujiyeen in surtagal aysan ahayn.

Sidoo kale kooxaha ku mashquulsan baaritaanka ayaa sheegay in surtagal tahay diyaaradda in ay ka weecatay jihada ay ku socotay.

Xeebaha Koonfur ee Shiinaha ayaa baaritaan dheer laga sameeyay, balse wax haraa diyaaradeed laguma arag, waxaana kaluumaysatada aaga lagu wargeliyey in ay soo sheegaan wax walba ay arkaan.

Diyaaraddaan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo caalamka, waxaana lala meel dhigay midkii Air France ee sanadkii 2009 bad ku dhacday balse haraaga diyaaradda la helay sanad kadib.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland