Diyaaradda Itoobiya Maxay ka tidhi Kalsoonidooda Dhabbaha Madaarka Hargeysa?

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayaa markii u horaysay si rasmi ah u shaacisay mawqifkeeda la xidhiidha dhabbaha madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa toddobaadkan baahiyey war ay ka so xigteen barta Internet-ka ee Ethiopianreview.com oo aan ahayn il-wareed wararka baahiya, balse ah mareeg ay ku xidhiidhaan jaaliyadaha Itoobiya, kaas oo qoraal la soo dhigay lagu sheegay in diyaarada Itoobiya u joojisay duulimaadkeeda qabyo ka muuqata dhabbaha diyaaradaha ee madaarka Hargeysa oo aan ku habboonayn in diyaaradoodu fadhiisato.

Hasayeeshee. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in diyaaradoodu u joojisay duulimaadka Somaliland sababo la xidhiidha dhabbaha  madaarka Hargeysa, iyadoo Ethiopian Airlines caddaysay in dhabbaha madaarka Cigaal ku habboon yahay isticmaalka diyaaradooda B737.

QQ“Dhabbaha dayaaraduhu ku ordaan iyo adeegyada kale ee madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa waxa kormeer ku hubiyay khubarada dhinaca farsadama noo qaabilsan, waxaanay xaqiijiyeen in ay dhammaanba sugan yihiin oo ay ku habboon yihiin waxyaabihii looga baahnaa in ay ku soo degto dayaaradda Ethiopian Airline ee Boeing 737, taasoo sababtay in diyaarada Itoobiya ee B737 ku timi Hargeysa.’ Ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxa xafiiska dadweynaha ee Shirkadda Ethiopian Airlines Mr.  Biniyom Demssie oo habeenkii Jimcaha loo soo diray warbaahinta Somaliland, gaar ahaan shabakada wararka Ingiriisiga ah ee Somaliland Sun.

Ethiopian Airlines ilaa hadda si rasmi ah ugama hadal sababaha ay u joojisay duulimaadkeedii Somaliland, balse waxa ay muujisay in aanay arrintaasi ahayn mid la xidhiidha dhabbadaha madaarka Hargeysa oo markii u horraysay diyaaradooda B737-800 soo fadhiisatay 1 September 2013, iyadoo toddobaad kadibna gabi ahaanba joojisay duulimaadkeedii Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net