Diyaaradaha Xulafada Sucuudiga Oo Dagaalka Yemen Ku Dilay Ku Dhawaad Boqol Carruur Ah

UNICEF waxay sheegtay in kala badh carruurtaas ay dileen diyaaradaha xulafada Sucuudigu HogaaminayaaChildren

Sanca, (SLP)- Ugu yaraan 115 carruur ah ayaa ku dhintay, halka 172 kalena ay soo gaadheen dhaawacyo intii uu socday dagaalka dalka Yemen sida ay sheegtay waaxda daryeelka carruurta ee Qaramada Midoobay.

Af-hayeen u hadlay UNICEF ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in ugu yaraan 64 carruur ahi ay ku dhinteen intii u dhexaysay 26-kii bishii March ilaa 20-kii bishan April, kuwaasoo ay dileen diyaaradaha xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo.

Waxa kale oo ay sheegeen saraakiisha hay’adda UNICEF in 26 kale oo ka mid ah carruurtaas ay ku dhinteen qaraxyo miino, halka 19 kalena ay haleeleen rasaasta ay isku ridayaan kooxaha iska soo horjeedaa.

Sucuudiga iyo xulafadiisa ayay diyaaradahooda dagaalku rusheynta ku bilaabeen dalka Yemen dhamaadkii bishii hore ee March, iyagoo beegsanaya kooxaha Xuutiyiinta oo xoog kula wareegay dalkaas, kuwaasoo taageero ka helaya dalka Iran.

 

Somalilandpost.net