Diyaaradaha Ruushka oo Bilaabay ka Bixitaanka Suuriya

Ciidamada Ruushka ayaa bilaabay inay ka baxaan Suuriya kadib markii madaxweyne Putin uu shalay ku dhawaaqay inay ka baxaan.

Diyaaradihii ugu horeeyay ayaa ka tagay saldhiga Hmeimim, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee Ruushka.

Masuuliyiinta reer galbeedka ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay talaabada, iyagoo sheegay inay cadaadis saari doonto dowladda Suuriya inay wadahadalka ay wado.

Wadahadalka lagu xalinayo dagaalka Suuriya ayaa galaya maalintii labaad.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan de Mistura, oo dhexdhexaadinaya wadahadalka, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ruushka.

“Go’aanka madaxweyne Putin oo ku aadanayd, malainta ay bilaabmeen wadahadalka Suuriya ee Geneva ayaa ah horumar muhiim ah, oo an rajaynayno inuu saamayn fiican ku yeelan doono horumarka wadahadalka”, ayuu sheegay.