Diyaaradaha Drones-ka Ee Mareykanka Oo Soomaaliya Ku Dilay Saraakiil Al-shabaab Ah

Baardheere, (SLpost)- Ugu yaraan laba hogaamiye oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay weerar ay qaadday diyaarad nooca bilaa duuliyaha ah loo yaqaan Drone.

Dadka deggan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay maqleen dhawaaq qarax weyn.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa markiiba tagey goobta ay wax ka dhaceen, isgaadhsiinta telefoonada ee magaalada ayaa go’an.

Magaalada Baardheere waxay ka mid tahay magaalooyinka fara ku tiriska ah ee ku yaalla dalka Soomaaliya ee ay weli ka taliyaan Al-shabaab.

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa ku sii siqaya magaaladaas.

Dhawr xubnood oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarro ay qaadeen dayaaradaha Mareykanka ee aanay cidi wadin.