Diyaaradaha dagaalka Suuriya oo duqayma gaystay

Suuriya(SLpost)-Ciidamada dawladda Suuriya ayaa bilaabay duqeyma cirka ah oo isdaba joog ah oo ay ku qaadayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan falaagada ka dagaalanta dalkaasi.

Ugu yaraan 15 qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kaddib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ay ku garaaceen qaraxyo magaalada Busra Alsham ee gobolka Darca.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale duqamya loo gaystay magaalooyinka Xalap ee waqooyi iyo Raqa ee dhacda bariga fog ee dalkaasi Suuriya.Magaalada Xalap oo kali ah waxaa la sheegay in 40 qof ay ku dhinteen labadii maalmood ee la soo dhaafay.