Diyaarad Xalay Ku Dhacday Duleedka Muqdisho Iyo Sababta Riday oo La Sheegay

Muqdisho(SLpost)- Diyaarad nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa xalay fiidkii shil ku gashay duleedka Muqdisho. Diyaaraddan ayaa raashin u wadday ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo kasoo duushay dalka Masar, waxaana u suuro-geli wayday in ay ku dagto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo xilligaas xidhnaa.
airbus6

Diyaaradda ayaa sababta ay u dhacday lagu sheegay shidaal la’aan. Diyaaradda ayaa caguhu u soo bixi waayeen xilliga ay ku soo degaysay madaarka, waxaanay aakhirkii ku degtay jidka Afgooye oo burbur ka soo gaadhay diyaaradda.

airbus4

Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Somalia oo u warramayay warbaahinta Hiiraan ayaa sheegay in diyaaraddu ay kusoo beegantay garoonka xilli uu xidhan yahay, shaqaalaha diyaaraddana ay u muuqdeen inay ahaayeen kuwo aan lahayn khibrad buuxda oo dhinaca duulimaadyada.

airbus1

“Garoonka diyaaradaha Muqdisho wuu xidhan yahay laga billaabo 6:00 maqribnimo illaa 6:00 aroornimo, shaqaalaha diyaaradana waxaan ku war-gelinnay in haddii ay soo dagaan aannay  duuli karin maadaama ay sharciga garoonka ku xad-gudbeen,” ayuu sheegay agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale, agaasimaha ayaa intaas ku daray in diyaarad walba oo magaalada Muqdisho ku soo socota ay haysato warbixinta dhameystiran oo ah in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu xidhan yahay habeenkii.

 

“Dhamaan shaqaalihii diyaaraddan la socday waa la badbaadiyay, waxaanse ka sheegayaa halka inay ahaayeen kuwo aan lahayn khibrad dhanka duulimaadka ah oo ku filan, waayo shidaalka ay wateen ma ahayn mid ku filan,” ayuu yidhi agaasinku.

Wax khasaare ah waxa laga soo sheagayaa labo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda oo Masar u dhashay in uu soo gaadhay dhaawac yar oo fudud.

airbus4airbus5
airbus2

Somalilandpost Office