Diyaarad Laga Leeyahay Sucuudiga Oo Markii Ugu Horeysay Caga-dhigatay Madaar Ku yaalla Israel`

Tel Aviv, (SLpost)- Diyaarad nooceedu yahay Boeing oo laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa ka degtay madaarka Ben Gurion magaalada Tel Aviv, taasoo ah diyaaradii ugu horeysay ee Sucuudigu leeyahay ee caga dhigata dalka Israel.Saudi Plane

Diyaaradan ayay wararku sheegeen inay cilad farsamo oo waajahday  ay sababtay inay ka degto madaarka Israel, waxaanay noqotay mid ku cusub indhaha caalamka oo aan weli dhicin in diyaarad laga leeyahay Sucuudigu ay caga dhigato dalka Israel.

Diyaaradan ayaa lagu hagaajinayaa gudaha madaarka Gurion ee caasimadda Israel, waxaany rakaabkii saarnaa ku sugan yihiin halkaas.

Inta badan waddamada carabta sida Sucuudiga ayaan aqoonsanayn jiritaanka dawladda Israel, taasaana keentay inaanay isu gudbin gaadiidkooda cirku.

Somalilandpost.net