Diyaarad laga leeyahay Malaysia oo siday 239-rakaab oo la la’ayahay

Malaysia(SLPOST) Shirkadda Diyaaradaha ee Malaysia airlines ayaa sheegtay in mid kamid ah diyaaradaheeda la la’ayahay kadib markii ay ka baxday khadka isgaarsiinta duulimaadyada laga maamulo.

ind-airl

Diyaaradda ayaa saqdii dhexe jimcaha (waqtiga Malaysia) ay ka duushay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Kuala Lumpur, waxaana ay kusii jeeday magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha.

Mid kamid ah madaxda Shirkadda ayaa sheegay in ay waayeen xiriirka ay la lahaayeen Diyaaradda, isla markaana aysan ogeyn waxaa sababay. Diyaaradda ayaa la filaayay in subixii hore ee sabtida ay ka degto magaalada Beijing.

Wuxuu intaas ku daray in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo halka ay ku dambeysay isla markaana kooxo badbaadiyaal loo xilsaaray.

Dhinaca kale masuuliyinta Shiinaha ayaa sheegaaya in diyaaraddu aysan soo gelin hawadooda isla markaana loo maleynaayo in ay ku sugan tahay hawada laga maamulo dalka Vietnam.

Warar soo baxaaya oo aan la hubin ayaa sheegaaya in diyaaradda ay si deg deg ah (Emergency) ay ugu degtay magaalo la yiraahdo Nanming ee dalka Shiinaha.

Dadka diyaaradda saarna ayaa u kala dhashey 14-wadan, waxaana ay kala yihiin;

1. China – 152 qof iyo hal cunug

2. Malaysia – 38 qof

3. Indonesia – 12 qof

4. Australia – 7 qof

5. France – 3 qof

6. United States of America – 3 qof iyo hal cunug

7. New Zealand – 2 qof

8. Ukraine – 2 qof

9. Canada – 2 qof

10. Russia – 1 qof

11. Italy – 1 qof

12. Taiwan – 1 qof

13. Netherlands – 1 qof

14. Austria – 1 qof

Qoysaska dadka saaran diyaaradda ayaa soo buuxiyey garoomada diyaaraddaha Kuala Lumpur iyo Beijing iyagoo murugeysan, waxaana ay ka war dhowrayaan halka ay diyaaradda ku dambeyn doonto.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland