Diyaarad ku burburtay nawaaxiga magaalada Ugu weyn Dalka Nigeria oo ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii Saarnaa iyo dad kale (SAWIRRO)

[L]agos (SLpost)- Diyaarad ganacsi ayaa ku burburtay duleedka magaalada ugu weyn dalka Nigeria ee Lagos taas oo ay ku dhinteen dhamaan 153-kii qof ee la socday iyo dad kale oo ku sugnaa goobta ay ku burburtay, waxaanay noqonaysaa masiibadii ugu weynayd ee dalkaas ku habsata muddo 20 sanno ah.

Sababta shildan diyaareed keentay ayaa la garan la’aa tan iyo habeenkii Axaddii oo diyaaradda Dana Air ay burburto. Diyaarada ayaa ku dhacday dhismo ku yaala Lagos, waxana ciidamada Bilayska iyo dab-demisku la tacaalayeen daminta dabka diyaaradda nooceedu ahaa Boeing MD83 aircraft.

Booliska ayaa xakameyn waayay tobanaan kun oo qof oo isku soo aruuray halka diyaarada ay ku burburtay, qaar ka mid ah waa ay barooranaayeen kuwa kalena garbadaha diyaarada ay heesteyn.

Harold Demuren, oo ah  maamulaha guud ee duulimaadyada Nigeria ayaa sheegay in dhamaan rakaabkii la socday diyaradda ay ku dhinteyn burburka diyaarada.

War-murtiyeed ka soo baxay duqa Lagos waxa lagu sheegay in 153-qof ee la socday diyaarada in ay ka yimaadeyn bartamaha Nigeria’ gaar ahaan Abuja waxana ay ku soo jeedeyn Lagos oo ku taala koofur galbeed.

Kooxaha gurmadka ayaa ka cabsi qabay in ay jiraan dad dhintay ama dhaawac ah oo ku suganaa dhulka xiliga diyaarada, laakin cidna waxba kuma noqon burburka diyaarada marka laga reebo kuwii saarnaa.

Madaxweynaha dalkaas Goodluck Jonathan ayaa goordambe oo xaley ku dhawaaqay seddax maalin oo baroor diiq ah, taas oo laga hirgalinaayo dalka ay ku nool yihiin dadka ugu badan Africa.”

Jonathan ayaa alle u baryay kuwii ku dhintay shirka diyaaradeed, waxana uu rajeeyay qoosaskooda in uu samir kasiiyo dadkii ay jeclaayeen ee ay ku waayeen shilkaas” sida lagu sheegay war ka soo baxay qasriga madaxtooyadda Nigeria oo laga akhriyay Idaacadda dowladda.

Dadka ku dhintay shilkaas diyaaradeed waxa ku jira ugu yaraan afar muwaadiin oo Shiines ah. sida ay soo warisay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua,laakin saxaafaradda Shiinaha ee Nigeria illaa hadda wax war ah oo ku saabsan arrintaas ma helin sida iyana ay soo warisay AP.

Si kastaba arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo murugo ay ka jiro dalka ay dariska yihiin ee Ghana, halkaas oo habeenkii sabtida ay diyaarad Nigeria laga lee yahay oo ah Boeing 727 ay ku burburtay Accra, caasimada dalka Ghana, diyaarada ayaa hertisay Bas dhulka ku sugnaa waxana ku dhintay shilkaas ugu yaraan 10-qof .

Shilka habeenimadii xaley dhacay, waa kii ugu xumaa ee soo mara dalka ku yaala galbeedka Africa, tan iyo bishii September 1992, markaas oo diyaarad military ay dhacday wax yer uun markii ay soo degtay Lagos. dhamaan askari ee saarnaa iyo ehalkoodii iyo shaqaalahii ayaa ku dhintay shilkaas.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net