Diyaar-Garowga Qaban-Qaabada Sideed Iyo Tobanka May Oo Xawli Looga Dareemayo Tog-wajaale iyo Magaalada Gabiley Oo aan Lagaba Hadal-Hayn

Gabiley (SLpost)-Magaalo Xuduudeedka Iriqa Ganacsiga Somaliland Iyo Itoobiya ee Tog-wajaale ayaa Maalmahanba si wayn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan oo loogu diyaar garoobayo Qaban-qaabada Sideed iyo Tobanka May ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dhawaan wareegtada ku soo saaray in la wayneeyo Xuska 22 guurada ka soo wareegtay Maalinta la soo noqoshada Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland ee 18 May, taasi oo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Tog-wajaale iyo Maamulka Dawlada/Hoose ee Degmadaasi ay ku hawlan yihiin sidii loo waynaan lahaa Maalintani.

bacadlaha-Gabiley

Iyada oo Maamulka Dawlada/Hoose ee Degmada Tog-wajaale ay tallaabadii ugu horreysay ee ay qaadeen ahaa inay dhisme ku bilaabaan Fagaaraha Khayriyada ee Magaaladaasi, Iyada oo shacabka ku dhaqan isla magaaladani ay kuyuu ugu jiraan Xarumaha Dawaarlayaasha ee lagu tollo-dharka, kuwaas oo Iyaguna suuq fiican ka helay oo ay shacabku ka tollanayaan Labisyo ka kooban Sadexda midab ee Calanka Jamhuuriyada Somaliland ee Cagaarka, Cadaanka, iyo Casaanka, oo Wakhti-xaadirkan gabaabsi ku sii ah guud ahaan Magaalada Tog-wajaale.


“Walaal Dadku Iyagaa Iskood u tollanaya Dharkan oo Xarqadahan ayay ku kooban yihiin. Iyagaana naga iibsanaya oo Hooyo kasta iyo Aabo kastaaba Isagaa Ubadkiisa intii mudakarka ahaydba nagu leh u tola oo lacagahooda la baxaya, Madaxa koru ma qaadno oo Magaaladii oo dhan ayaa Kuyuu noo soo gashay, Imikana Xarqadihii ayaaba Maalmahan lanagu qaaliyeeyey oo iskaba sii gabaabsi ah iyada oo Todobaad ka hadhsan yahay 18kii May”. Sidaa waxa yidhi Jaamac Maxamuud (Aduunyo) oo ka mid ah Dawaarlayaasha Magaalada Tog-wajaale.

Waxaanu ku daray Hadalkiisa Jaamac: “Maamulka Dawlada/hoose ee Magaalada Tog-wajaale Iyaga laftoodu waxay naga qandaraaseen Calamaan waawayn in aanu samayno oo ay ka mid yihiin kuwii Gaadiidka lagu jeeni-qaarayay, kuwa la sudhayo Gaadiidka, iyo kuwa Dadku Gacanta ay ku qaadanayaan, iyo waliba kuwa waawayn ee Goobaha Dawlada la sudhayo”. Ayuu ku soo koobay hadalkiisa Jaamac Maxamuud (Aduunyo).

Dhinaca kale waxa aan Iyada laga dareemayn wax dhaq-dhaqaaq ah oo loogu diyaargaroobayo Xuska 22 guurada Maalinta La soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18 May Magaalada Gabiley ee Xarunta u ah Gobolka Gabiley, iyada oo ay Kaabiga soo saran tahay Maalintaasi, isla markaana ay ka hadhsan tahay kaliya mudo Todobaad Casho ah, taasi oo aan ilaa hada wax tallaabo ah laga qaadin Fagaaraha Khayriyada oo ahayd goob Banaan, sidoo kalena aan lahayn meel Xayn-daab ah oo Shacabka ka hakisa Madaxda ka soo qayb-gasha Xuskaasi.

Iyada oo sidoo kalena Iska daa Calamaan cusub oo Shacabka iyo Gaadiidka loo qaybiyee Calankii sudhnaa Xarunta Dawlada/Hoose ee Gabiley oo dayacnaan awgeed la googo’ay isla markaana uu sudhan yahay Birta Calanka Isaga oo Cadceedu dishay, Iyada oo ay ka hadhsan tahay Xuska 22 Guurada 18ka May ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu baaqay Shacabka iyo Maamullada kala duwan ee Dawlada in la wayneeyo Sanadkani oo Xuskeedu sidii hore ka mug-waynaado.

Haseyeeshee Maamulka Magaalada Gabiley ayaa muddooyinkan danbe hawshaa Qaran ee Madaxwaynuhu ugu baaqay kaga mashquulay Qaybinta Raashinkii Mucaawimada ahayd ee Dawlada Turkigu ku caawisay Xukuumada Somaliland, oo ilaa Tobankii Cisho ee ugu danbeeyeyba ku gudo-jiray, kuwaas oo u eeg in aanay hawliba sugaynin.

Inkasta oo Bilowgii hore ee Madaxwaynuhu ku dhawaaqay uu Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi ku dhawaaqay Guddi ka hawl-gali doonta Qaban-qaabada Xuska 18ka May, ayaan ilaa hada aanay jirin Cid hawshaasi ku hawlan.

Walow Shacabka Reer Gabiley ay Iyagu Iskood isku qabanqaabinayaan oo aad arkayso Goobaha Dharka lagu talo Ashkhaas ka tollanaya Labisyo ka kooban Sadexda Midab ee Calanka Jamhuuriyada Somaliland ka kooban yahay.

Wariye Cabdirisaaq Axmed Hayaan/Gabiley