DIWAANKA SAYMAHA SIYAASADDA

Waxa hubaal ah in in-badan oo idinka mid ahi u heeryeysatay sidii ay mar uun uga dhex muuqan lahaayeen saaxadda siyaasadda, waana wax lagu yaqaanno sunnaha nolosha beni’aadamka. Iyada oo ay barbar-socdaan dadaalo kala duwan oo qof kastaa ku badhi-taarayo rabitaannadiisa siyaasadeed ee uu hiigsanayo mustaqbalka dhow iyo ka fogba.

Waxa waqtiyo badan la arkaa qof ku dhex jawaha-wareeray majarihii siyaasadda, oo dhegabarjow ageed qarka u saaran inuu waasho, halka kuwo kalena kaba gudbaan xayndaabka beni’aadamnimada, isla markaana u badheedhaan wax-yeelaynta iyo wiiqidda cidda ay is hayaan, iyadoo ay wax kasta kala weyn tahay meel-marinta danahiisa iyo bartilmaameedyadiisa siyaasadeed.

Sidaa awgeed, waxa lagama maar maan ah in bulshada iyo cid kasta oo ku hawlan bad-weynta siyaasadda in loo soo bandhigo mushkiladaha ugu daran ee siyaasadda ku geedaaman, si ay u fududaato inuu qofku ka badbaado mushkiladahaas.

Waxa kale oo diwaankani gudbinaysaa farriin ah; “Ha noqon siyaasi, haddii aanad xal ka gaadhi karayn mushkiladaha siyaasada ee 100 kani ka midka yihiin.” Waxa kale oo muhiim ah; saxaafaddu marka ay ka hadlayso arrimaha cakirma ee siyaasadda la xidhiidha inay mushkiladahan u isticmaasho eray-bixin ahaan, maxaa yeelay qodob kasta oo ka mid ahi waxa uu tilmaamayaa mar-xalad gaar ah..

Waana kuwan diwaankii ee ka bogosho wanaagsan:-

A

1-   Arbush-siyaasadeed

2- Anfariir-siyaasadeed

3- Abaabul-siyaasadeed

4- Asqow-siyaasadeed

B

5- Burbur-siyaasadeed

7- Buuq-siyaasadeed

 

T

8- Tabashooyin-siyaasadeed

9- Turaanturooyin-siyaasadeed

10- Taag-darro-siyaasadeed

11- Tuhunno-siyaasadeed

J

12- Jahawareer-siyaasadeed

13- Jujuub-siyaasadeed

X

14- Xasarado-siyaasadeed

15- Xurgufo-siyaasadeed

16- Xafiiltan-siyaasadeed

KH

17- Khalkhal-siyaasadeed

18- Khibrad-darro-siyaasadeed

19- Khaakhuul-siyaasadeed

D

20- Daal-siyaasadeed

21- Dabinno-siyaasadeed

22- Dadaal-xumo-siyaasadeed

23- Degenaansho la’aan siyaasadeed

24- Duruufo-siyaasadeed

25- Debinyaabyo-siyaasadeed

26- Dirir-siyaasadeed

27- Ducuf-siyaasadeed

R

28- Rafaad-siyaasadeed

29- Ribban-siyaasadeed

30- Rajo-xumo-siyaasadeed

31- Rogmad-siyaasadeed

32- Raran-siyaasadeed

33- Rifan-siyaasadeed

34-Roor-siyaasadeed

S

35- Saluug-siyaasadeed

36- Simbirixisho-siyaasadeed

37- Saxariir-siyaasadeed

38- Seexan-waa-siyaasadeed

39-Soofdaran-habow-siyaasadeed

40- Sadaal-xumo-siyaasadeed

SH

41- Shaki-siyaasadeed

C

42-Ciil-siyaasadeed

43- Cuqdad-siyaasadeed

44- Cabasho-siyaasadeed

45- Cadaawad-siyaasadeed

46- Cudud la’aan siyaasadeed

47- Caqli-xumo-siyaasadeed

47- Cataw-siyaasadeed

48- Cawaaqib-xumo-siyaasadeed

49- Cilmi la’aan siyaasadeed

50- Caadifad-siyaasadeed

G

51- Godobo-siyaasadeed

52- Giriif-siyaasadeed

53- Ga’doon-siyaasadeed

54- Garawshiyo la’aan siyaasadeed

55- Gumaad-siyaasadeed

56- Guhaad-siyaasadeed

57- Gabbasho-siyaasadeed

58- Gardaro-siyaasadeed

59- Gulufyo-siyaasadeed

60- Gabbood la’aan siyaasadeed

F

61- Fadeexado-siyaasadeed

62- Fikir-siyaasadeed

63- Fool-xumo-siyaasadeed

64- Fajac-siyaasadeed

65- fawdo-siyaasadeed

66- Ficil-xumo-siyaasadeed

Q

67- Qas-siyaasadeed

68- Quus-siyaasadeed

69- Qalalaase-siyaasadeed

70- Qadafyo-siyaasadeed

71- Qoon-siyaasadeed

72- Qulqulato-siyaasadeed

K

73- Kacdoon-siyaasadeed

74- Kulayl-siyaasadeed

75- Karkabo-siyaasadeed

76- Kala go’ siyaasadeed

77- Kamiin-siyaasadeed

L

78- Leeleel-siyaasadeed

79- Lur-siyaasadeed

80- Legdan-siyaasadeed

81- Lu go’ siyaasadeed

82- Ligan-siyaasadeed

M

83- Mu’aamarad-siyaasadeed

84- Murug-siyaasadeed

85- Mishqac-siyaasadeed

N

86- Nitaakh-siyaasadeed

87- Nashuush-siyaasadeed

88- Nusqaan-siyaasadeed

89- Nabsi-siyaasadeed

90- Naxli-siyaasadeed

W

91- Wareer-siyaasadeed

92- Walaac-siyaasadeed

93- Wiirsi-siyaasadeed

94- Walbahaar-siyaasadeed

95- Werwer-siyaasadeed

H

96- Hagardmooyin-siyaasadeed

97- Hadanteel-siyaasadeed

Y

98- Yooyootan-siyaasadeed

99- Yididiilo xumo siyaasadeed

100- Yulqan-siyaasadeed

Haddii aad si fiican uga bogateen nuxurka qodobadani xambaarsanaayeen, waxa aad haysataan jaanis ah inaad falanqayn madax bannaan ku samayn kartaa, iyada oo aad adeegsanaysaan aqoontiina iyo waayo-aragnimadiina siyaasadeed.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland