Dilla/Gabilay: Waa Nabad Walaal Waa Nabad, Waa Nabad.

Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye
Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye.
Dir-dir laysu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ee dumarku weerkii sitaan, danabyadii waayay
Debec yaa lahaayeey intaynnu, isugu duulaynno
Uu sida dareemada u yaal, maydku dabadeeda
Kolla doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaanne.
 
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Oy duul walaala ah tahay oo, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
 
                  (Abwaan Cabdilaahi Suldan Timacade)
Marka hore waxaan halkan tacsi uga dirayaa muwaadiniinta iyaga oo dalkooda hooyo ku sugan oo aan wax danbi ah galin lagu laayay deegaanka  Seemaal ee u dhexeeya Gabiley iyo Baki, waxaan Allah uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Eheladii, Qaraabadii iyo guud ahaan Shacbiga reer Somaliland ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxaan halkan ka canbaaraynayaa dhagarqabayaasha falkan waxshinimada ah ku kacay, waxaanan ugu baqayaa ciidamada aamaanka Somaliland in si degdeg ah gacanta loogu soo  dhigo cadaaladana degdeg loo horkeeno si looga hortago fidno hor leh oo ka dhalata arrintan murugada leh. Waxaanan ku Amaanayaa talaabada degdeg ah ee geesinimada leh ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo uu arrintan uga hawl galay kuna amrray Taliyayaasha ciidamadu inay Geeri ama Nolol mid uun ku keenaan dhagarqabayaasha dilka geystay, degdegna gacanta ugu soo dhigaan.

Intaas ka dib, waxay ahayd 7dii Bishii Koowaad  ee sanadkan 2011 markii ay xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ay ku guulaysatay inay suurto galiso heshiis bilow ah oo nabadeed ay kala saxeexdeen Odayaasha Beelaha Reer Xareed/Jibriil Abokor iyo Odayaasha beesha Reer Maxamuud Nuur ee Samarroon.

Hadii aynu dib u milacsano waxa uu baaqa heshiiskaasi  ay odayaashaasi kala saxeexdeen u dhignaa sidan:
“Annaga oo kala ah odayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, wakiilna ka ah beelaha Reer Xareed iyo Reer Maxamuud Nuur oo ah dad walaalo ah, isla markaana ka dhexeeyo daaq iyo deegaan, waxaannu halkan ku caddaynaynaa axdi iyo ballanqaad in aad daacad ka nahay wadahadalka arrimaha na dhex yaal.

Waxa kaloo aannu ku ballanqaadayna in aan nabadda xidhno, soona celino walaaltinimadii iyo wada noolanshihii caadada noo ahayd.

Sidoo kale, waxa naga go’an in aannu adkeyno nabadgelyada ay dantayadu ku jirto, iyadoo aan si buuxda u taageernay, una oggolaannay baaqii nabadeed ee uu noo soo jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland “

Markii uu Baaqani soo baxay waxaa guud ahaan bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dacalada aduunku ay kusoo dhaweeyeen farxad iyaga oo dareensanaa culyaska ay arrintani lahayd iyo saameynta nabadgalyo ee ay dalkeena ku lahayd mudo Afartan sanadood ka badan, waxaana dadweynaha reer Somaliland ay ku farxeen in markii u horreysay taariikhda ay beelahaasi heshiis nabadeed oo hor dhac oo ku saabsan CeelBerdaale ay qalinka ku duugeen, taasoo amaan balaadhana usoo hoysay xukuumadan talada haysa oo uu Allah ku guuleeyay suurto galinta heshiiskan.

Hadaba iyada oo aynu filaynay in lasoo afjari doono colaadan riiq dheeraatay ee u dhaxaysa beelahan beero qodotada ah ee uu Allah ku wada abuuray deegaanada galbeed, waxaa dhacdadan naxdinta leh ee imika soo korodhay ay xagal-daac ku tahay dedaalkii nabadeed ee la waday, waxaana lagama maarmaan ah in bulshada reer Somaliland ay si wada jir ah uga hawl galaan deminta xiisadan, una hawl galaan in gacanta lagu soo dhigo fidmo walayaasha qaska wada.

Iyada oo aan Kalsooni buuxdo ku qabo Xukuumada Somaliland, isla markaasna aynu ka warhayno in  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ay ka go’an tahay in aanuu wax naxariis u muujin qof kasta oo isku daya inuu fidno ka dhex dhaliyo ama waxyeello u geysta amaanka Somaliland, hadana waxaa lagama maarmaan ah in Odayaasha Dhaqanka, Culimaaudiinka, Haweenka, Dhalinyarada, Aqoonyhanka iyo Qof kasta oo Somaliland u dhashay uu gacan siiyo Xukuumada iyo Ciidama aamaanka sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dhagarqabe kasta oo dil geysta, iyo cid kasta oo nabadgelyada wax u dhimaysa, waxaa loo baahan yahay qof kasta oo Somalilander ahi inuu noqdo Boolis oo uu isha ku hayo cidii wax u dhimaysa ee dhib u geysanaysa wadajirka iyo wada noolaanshaha umada reer Somaliland.

Waxaa kale oo aan  ugu baqayaa dadka ay ka soo jeedaan muwaadiniinta la laayay inaanay qaadin wax talaabo ah, ogaadaana in Allah uu qaddaray wax kasta oo dhaca, muwaadiniinta la dillayna ay dhinteen xilligii uu Allah u qoray inay dhintaan, wax kasta oo la sameeyana aan dib loo soo celin karin, sidoo kalana  aanay marnaba isku dayin in sharciga ay gacantooda ku qaataan, oo ay sameeyaan aargudasho, taasoo ah mid  uu Allah inaga xaaraantimeeyay, waxaana lagama maarmaan ah inay Xukuumada u daayaan, kuna garab siiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagarqabayaashaas, si cadaalada loo hor keeno oo laga jaro danbigan culus ee ay galeen.

Waxaa kale oo aan ugu baaqayaa Taliyayaasha Ciidamada Qaranka, Boliska iyo Sirdoonka Somaliland in ay ogaadaan in dadweynaha Somaliland ay indhaha ku hayaan talaabada ay arrintan ka qaadaan, waxaanan Allah ugu baryayaa inuu ku guuleeyo inay gacanta ku soo dhigaan dhagarqabayaasha cadaaladana degdeg loo hor keeno. Aamiin.

Kaysar Cabdilaahi 
kaysar@europe.com 
Bristol. UK