Dillaalatada Baad-doonka ahi Yaanay Sumcadda Ka Dilin Saxaafadda Xorta ah

Bilihii u danbeeyay waxa dad badan oo Bulshada Somaliland ee Damiirkooda iyo garoodkoodu ka dhawrsoonyahay xumaanta, nacaybka, cudurka  Qabyaalada iyo qof nacaybka la yaabanaayeen qoraalo si taxane ah uga soo baxayay Boggaga hore ee Wargeysyada dalka Somaliland.

Qoraaladaa oo ahaa kuwo aan xanbaarsanayn nuxur wax ku ool ah, isla markaana keliya ahaa kuwo si badheedh ah loogu aflagaadaynayo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale , waxay dad badan oo kuwa la socda qoralada iyo wararka ay xanbaarsan yihiin warbaahinta dalka Somaliland is weydiiyeen, sababta Wargeyska Haatuf uu dacaayadaha iyo aflagaadada intaa leeg oo gaadhay heer Wasiirka Macdanta Shaqsiyadiisa si badheedh ah loogu wareero u samaynayo, iyadoo qoraalada aflagaadada ah oo si caadifadaysan oo ka baxsan anshaxa saxaafada iyo dhaqanka suubaan ee Islaamka loogu weeraray Masuulkaa ilaa qoraalada qaarkood geyaysiiyen wargeyska in la la ilaabo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland oo kala garanwaayo inuu kasoo baxo Hargeysa iyo inuu Muqdisho kasoo baxo. Kadib markii uu meesha ka saaray nidaamka dawladnimo ee Somaliland ee isku qaaday wuxuu ku sheegay oo aflagaadada iyo cayda yaq-yaqsiga leh ee wasiirka la gashay gudida dabagalka u qaabilsan Somalia ee hubka oo uu sheegay in ay baadhay wasiirkaa, isagoo iloobay in wasiirku aanu ahayn Wasiir Somalia ah ee uu yahay Masuul Somaliland ah.

“ Guddida Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arimaha Somalia iyo Eritrea (UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea) ayaa ku hawlan sidii ay baadhitaan ugu samayn lahayd heshiisyada shidaalka iyo macdan baadhista ee ay xukuumada Somaliland la gashay ugu yaraan sideed shirkadood oo ajnabi ah.

Heshiisyadan oo afar ka mid ah oo kaliya ay wasaarada tamarta iyo macdanta Somaliland warkooda si kooban u shaacisay, waxay xukuumadu la gashay shirkadaha Genel Energy Ltd, Ophir, DNO Ltd iyo Ansan Wikfs (Hadramout Ltd).”

Aflagaadada iyo qoraalka mala awaalka ah ayaa ilawsiiyay qoraalka in meesha uu ka hadlayaa aanay ahayn Somalia oo gudidaasi ka shaqayso ee Somaliland tahay qaran ka madaxbanaan Somalia oo leh golayaal sharci iyo madaxweyne doorasho ku yimi, isla markaana ay golaha wakiiladda Somaliland yihiin kuwa shaqada wixii sixitaan iyo la xisaabtan ah oo ay jiraan Hay’addo madaxbanaan oo qaranka Somaliland leeyahay, balse aanu ahayn sida Somalia qaran debeda laga maamulo.

Qoraalada iyo maqaalada ka baxsan anshaxa saxaafada ee sida badheedhka ah loogu weeraray Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, waxa xaqiiqda ka danbaysaa noqotay in ay yihiin kuwo ka baxsan xayndaabka Somaliland, isla markaana ka dhashay kadib markii uu hor istaagay dhawr qof oo sheegtay in ay yihiin shirkad lagu magcaabo Boull Group, kuwaas oo doonayay in Wasiirku siiyo Ceel shidaal, laakiin markii ay buuxin waayeen shuruudii iyo xeerkii lagu dabakhayay ka cadhooday arrintaa, iyagoo ugu hanjabay Wasiirka in ay weerari doonaan.

Nin lagu magcaabo Mr. Jean-Raymond Boulle ayaa ku sheegay sida ka muuqata magaca shirkadaa (Boulle Group) oo ah Magaca koox maafiyo ah oo sheegatay in ay yihiin Company malaayiin dollar hantidiiisu tahay, waxa laga leeyahay dalka Canada sida ay sheegteen, waxayna qayb ka yihiin dadka ajinebiga ah ee dunida sadeex iyo dalalka Afrika ee saboolka ah booba macdantooda iyo khayraadkoda, laakiin wasiirka macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ah aqoonyahan kasoo shaqeeyay dalka Maraykanka shirkaddaha ugu waaweyn oo xilligii uu Madaxweynaha Somaliland xilkaa u magcaabay 2010 warbaahinta Maraykanka qaarkood baahiyeen in shirkaddihii uu la shaqaynayay ka xumaadeen markii uu iska casilay xilkaa si uu u qabto xilka dalkiisa Hooyo looga magcaabay oo ugu shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa.

Waaya aragnimada iyo aqoonta uu u leeyahay shaqadiisa iyo masuuliyada uu qaranka iyo shuruucda dalka u taal ee uu dabakhayay u hayo yaa sabab u noqday inuu shaqsiyaadka sheeganayay shirkadda ee doonayay in ay Somaliland iyo D.R.C  isku mid yihiin. Laakiin markii ay suurta gal noqonweyday in ay boobaan khayraadka dalka Somaliland waxay mareen wado kale oo ay go’aansadeen iyagoo adeegsanaya wargeyska Haatuf in qoraalo aflagaado iyo dacayaado ah lagu weeraro wasiirka.

Ninka lagu magcaabo Mr. Jean-Raymond Boulle oo hogaaminaya koox uu sheegay in ay yihiin shan qof oo shirkaddaa iska leh, isla markaana ah Nin ku mamay khayraadka afrika iyo sida loo harawsado madaxda Afrika, haddii ujeedada uu wataa soconweydano loogu adeegsado warbaahinta garab raratada ah oo waxa keliya ee ay sidaasi ugu suurta gelay tahay isagoo dhaqaale yar bixiya, wuuuxna isagoo ka duulaya aqoonta uu u leeyahay Afrika Mr. Jean-Raymond Boulle soo wakiishay nin lagu magcaabo Yuusuf Cabdullaahi Cumar oo ay xidid yihiin Mulkiilaha Wargeyska Haatuf.

Hase ahaatee markii ay qorshaha uu watay ee uu wakiilka kaga ahaa Ninkaa waxba uga socon waayeen Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland  waxa taas bedelkeeda loo rogay in Mr. Jean-Raymond Boulle uu bixiyo kharash qiyaastii shan kun oo dollar ah oo lagu galo dagaalka Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, waxase layaab noqotay qoraalada isdaba jooga ah ee aflagaadada ah ee maalin walba kusoo baxayay wargeyska boggisa hore oo saamayn weyn ku yeeshay wargeyska, kuwaas oo markii Wasiirku ka jawaabi waayay isagoo iska sii wata hawshiisa ay sababeen in qaar badan oo ka mid ah bulshada oo aan la socon arrintaa iyo halka sartu ka qudhuntay maamulka wargeyska weydiiyeen ceebta iyo aflagaadada uu la daba galay wasiirkaa. Laakiin markii ay oggaadeen in arrintu tahay mid badheedh ah oo la doonayo in wasiirka iyo Bulshada shaki la kala geliyo, isla markaana ay qoraalada qalinka hungurigu hagayaa yihiin kuwo aanu hagayn damiir iyo anshax saxaafadeed ay dib uga laabteen.

Geba gebadii waxa ayaandaro ah in saxaafada Somalialnd qaarkeed halkii ay danta qaranka ka ilaalin lahaayeen ay noqdaan kuwo maafiyada aduunku usoo adeegsato masuuliyiinta qaranka si ay ugu khasbaan in loo ogolaado in shaqsiyaad sida Boulle Group oo kale ah ay boobaan khayraadka dalka oo ka dhexeeya bukshada Somaliland oo dhan.

Bulshada Somaliland iyo dadka aqoonyahanka ah iyo qurab jooga Somaliland way ka dheregsan yihiin wasiirka macdanta iyo Tamarta hawlkarnimadiisa iyo dedaalka uu ugu jiro sidii dalka loogu samayn lahaa maalgashi, isagoo mudadii uu xilka hayay sadexdii sanandood ee lasoo dhaafay dalka keenay shirkaddo waaweyn oo doonaya in ay maalgashadaan Somaliland si looga baxo faqriga oo horumar u gaadho, wuxuu bilawgii xilka loo dhiibay sheegay in uu arrinta Batroolka iyo Macdanta ka hormarinayo Biyaha oo aanay haysan magaalooyin waaweyn iyo deegaamada qaarkood, taas oo uu ku guulaystay, kadib markii uu keenay mashruucii ugu weynaa ee Biyaha loogu samaynayo Hargeysa oo ku kacaya malaayiin dollar iyo mashaariic kale oo muhiim ah oo dhamaantood laga hirgeliyay deegaamo kala duwan oo dalka ah.

Waxa kale oo la xusuusnyahay in uu ka qaybgalay shirar waaweyn oo uu ku bandhigay khayraadka dalka iyo baahida Somaliland u qabto in shirkaddaha waaweyn ee aduunku maalgashadaan, waxaana tallaalooyinkaas ay dhaleen in shirkaddo hawlo batrool qodois ah doonaya in ay ka bilaabaan oo sahamintii iyo hawshii bilaabay heshiish la galeen xukuumadda Somaliland. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale uu dedaalkiisu sababay in Somaliland lagu casuumo shirweyne caalami ah oo ka dhacaya maalmaha soo socda dalka Koonfur Afrika, kaas oo ay ka qaybgelayaan in ka badan 30 dawladood iyo  kumanaan qof oo ka socda shirkaddo caalami ah.

Wasiirka waxan usoo jeedinayaa in aanay aflagaadada iyo qoraalada uu hagayo qalinka maafiyadu dabada hayso ee nasiibdaro dhufayska kasoo dhigtay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland la ficiltamin ee wato shaqada uu qaranka u hayo ee uga yimi dalkii ay sharciga iyo anshaxu hagayeen saxaafada ee qirayay shaqsiyadiisa, aqoontiisa iyo hawlkarnimadiisa markii uu iska casilay  shaqdii uu ka doorbiday inuu qarankiisa iyo dalkiisa u shaqeeyo.

 

Mohamed Musa Hussein

Maxmuuse12@gmail.com