Dilalkii Ka Kala Dhacay Seemaal Iyo Buqdhada, Maaha In Midna La Dhaleeceeyo Midna Laga Aamuso Oo La Qariyo, Labaduba Waa Dhiig Xaqdaro

Waa Wax laga Cadhoodo in Xukumada, Siyaasiyiinta iyo Madax dhaqameedyada Dhaleecaynaaya dhinac Dilkii Saameel ee foosha xumaa, inuu ka danbeeyay Dil Kale oo Maleeshiyo Cadhaysani Ku dileen Wiil Dhallinyaro ah Deegaanka Buqdhada ee u dhaw Seemaal iyaga oo ku Sheegay Aar-goosi waliba Gubay Tuulooyin, Xoola Badana Qaaday. Ma haboona in midna la dhaleeceeyo midna laga aamuso oo la qariyo. Dhiig kasta oo xaqdaro lagu daadiyo waa in laga dhiidhiyaa oo la dhaleeceeyaa. Tiradoodu  haba kala badnaato, dhiig kasta oo  la daadiyay oo xaqdaro lagu daadiya waa isku mid..  Hadii aan La tacsiyadayn Ehelkii  laga dilaay Wiilkaas Dhallinyarada Ahaa, waxay noqonaysaa Xaq daro in Dilka Cid gaar ahna laga dhiidhayo Dilka Dhanaca kalena aan waxba laga soo qaadin.  Dilka qof Xaq daro lagu dilaa waa isku mid waxana haboon si isku mid ah in loo wada dhaleeceeyo Dilalka dhaca,  cida geysatayna la soo wada qabto oo sharciga la wada horkeeno. Hadii aanay Xukumadu dhaleecayn dilkaasi loo geystay muwaadinka ka soo jeeda Beesha Gabiley waxay abuuri kartaa In Xukumada iyo dhamaan Siyaasiyiinta, Salaadiinta Somaliland Been ay ka sheegayaan Dhaleecaynta iyo ka xumaanshaha Dhiiga lagu daadiyo Gardarada ee ka kala dhacay Seemaal iyo Buqdhada.

Xukumadu waa inay ku dartaa baadhitaanka cidii dishay Wiilka Dhallinyarada ah ee ka soo jeeda Beesha Gabiley ee Beertiisii lagu dhex dilay maalinta Cad iyada oo Ciidankii Booliiskuna ay Joogaan Buqdhada.  Waa in Xukumadu  dhagar qabe oo dhan wada raadisaa oo  sharciga horkeentaa.

ILAAHAY WAXAN KA RAJAYNAYNAA IN BEELAHA WALAALAHA AH QULUUBTOODA ISKU SOO DHAWEEYO, IYAGA AYAA DERIS IYO XIGAALBA AHE.

 

C/raxmaan Maxamed

Hargeisa-Somaliland