DILA ILAA DELHI – W/Q: Cabdirasaaq Askar

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Waxaan xalay shaashadaha warbaahinta qaar kamid ah ka dheehday; shakhsiga ku magacaaban Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland , oo ka sheekeynayey socdaal uu sheegay inuu ku tagay Qaarada America, Balse u safray Delhi , Goa, Bihaar, Assam , Gujarat iyo Kerala si shakhsi ah.

Haddaba, waxaan isweydiiyey dhawr arimood oo aan jecelahay akhristayaal inaad illa wadaagtaan. Marka uu odaygu meesha soo fadhiistay ee uu warbaahinta u yeedhay , ma war Madaxtooyadu usoo dhiibtay ayuu inoo sheegayey oo ahaa warkii ( sababaha su’aalo loo waydiin waayey madaxweynaha ) mise inuu Delhi tagay ayuu inagu wargalinayey oo uu islahaa dadku ha maqlaan. Waa fool xumo wayn waana mid shacabku aad iyo aad isku weydiiyeen, suaalo badanina ka dhasheen, cid walibana dareen yax-yax leh ay ka bixisay.

Arinta kale ee iyana xusida mudan waxay tahay; Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee Qaranka ayaa badanaa markay safarada dibeda ka yimaadaan ummada uga warama socdaaladoodii iyo cidaha ay la kulmeen, waana mid runtii lasoo dhaweeyo lagana sugaayey inay sidaa yeelaan. Haddaba , shakhsi mansab hoose oo noocan oo kale hayaa inuu kasheekeeyo booqashooyin uu ku tagay Goa, Bihaar, Assam , Gujarat iyo Kerala oo uu waliba uu warbaahinta soo hor fadhiisto waa arin qarankan ugub ku ah oo aan hore uga dhicin, Ceebweyna ku ah Dawladnimadeena. islamarkaana, Madaxda ugu saraysa Madaxtooyada ay ku tahay fadeexad iyo lafjab, sida uu u dhaqmaayo shakhsigan ay Afhayeenka ka dhigteen.

Ciwaanka Magalada dilla ee aan soo qaatay waa meeshii uu ku dhashay DHUXUL (haddase dhuxul maahee dee midabkiisii waa isbedelaye) waa meeshii uu ku dhashay ee uu kusoo barbaaray. Sidaasan DILA illaa Delhi OO meeshuu tagay ah usoo qaatay.

Gabagabadii; Qofka Madaxweyne Qarankan iyo Umadan u noqdaa ha illaaliyo Karaamada iyo Sharafta . tan aynu ka hadlaynaana waa mid sharaf dhac ah. Haddii ay manta dhacday dib yaanay u dhicin madaxweyne. Karaamada qaranka ee amaanada kugu ah Xaqdhawr.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

Hargeysa,Somaliland