Dil-dilaacii WADDANI Oo Bilaabmay Iyo Xildhibaan Rayte Oo La Filayo Inuu Ku Biiro Xisbiga KULMIYE

(SL.Post) Wararka ay helayaso shabakada Somaliladpost.net, ayaa sheegay in xubno miisaan siyaasadeed leh ay ku tallo-jiraan inay ka baxaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaana masuuliyiintan ka mid ah Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte).

2679

 

 

 

 

 

Xildhibaan Rayte , ayaa la filayaa inuu si rasmi ah iskaga casilo xubinimadii guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigaas Waddani.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu weli Xildhibaanku ku cadeeyay jiritaanka warkan, haddana warar uu Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay helay ayaa xaqiijinaya in xildhibaan Rayte uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono go’aanka uu kaga baxay xisbiga Waddani. Sidoo kale waxa la filayaa in xildhibaan Rayte cadeeyo inuu ku biiray xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya oo uu hore uga tirsanaan jiray islamarkaana ka soo baxay doorashadii golaha wakiilada ee 2005.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee uu xildhibaanku uga baxayo xisbiga Waddani oo uu aasaasayaashiisa ka mid ahaa, waxase la filayaa in xildhibaan Rayte shirjaraa’id saxaafadda ugu soo bandhigo mawqifkiisan cusub.

Somalilandpost.net