Diifta Bulshada Abaaraysan Iyo Doorasho Raadiska Siyaasiyiinta Somaliland.

Xaaladaha Nololeed Iyo Duruufaha Ku Gadaaman Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen Ee Deegaanada Somaliland Waa Mid Qalafsan Oo Qalbiga Caafimaadka Qabaa Ka Qiiroonayo.
Waa Wakhti Adag Oo Muuqaalka Dhulku Isbadalay Dhirtana Aad Qoryo Moodo.
Dadkuna Waa Kuwo Ay Diif Iyo Daranyo Xoogani Ka Muuqato Oo Maskaxda Iyo Mooraalkaba Ka Fikirsan Maadaama Ay Biyo La,aan Iyo Baad La,aani Soo Food-Saartay.
Marka Laga Tago Dhaqashadii Iyo Duunyadii Ay Ku Tabcayeen Hada Waxa Halis Ku Jira Nafahoodii Maadaama Ay Ahaayeen (Noole Noole Ku Dul Nool)
Iyadoo Ay Sidaas Tahay Ayaynu Ognahay Ololaha Ay Xisbiyada Qaranku Ugu Jiraan Qaadashada Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyaha Oo Ka Socota Gobolo Kamida Somaliland Qaarkoodna Kasoo Dhamaatay Halka Kuwo Kale Wali Hadhsan Yihiin.
Damiir Xumada Siyaasigu Waata Sababtay In Bulsho Tabaalaysan Oo Gaajo La Ildaran  Uu Ku Booriyo Olole Uu Ku Qarash Garaynayo Boqolaal Kun Oo Dollar Oo Qayb Weyn Ka Qaadan Lahaa In Lagu Samato Bixiyo Badbaadinta Dadkiisa Baahan Ee Ay Abaaruhu Naafeeyeen.
Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Wadani Kulmiye Iyo Ucid Ayaa Mudooyinkii U Danbeeyey Safaro Iyo Socdaalo Ku Maraayey Gobolada Ay Sida Ba,an U Saameeyeen Abaaruhu Kuwaas Oo Kala Ah Gobolada – Hawd,Awdal,Gabiley,Iyo Degaanana Hoos Yimaada
Dhacdada Layaabka Leh Ayaa Ah In Siyaasiyiintaasi Ay Kharash Garaynayeen Lacago Aad U Tiro Badan Oo Ay Bulshada Loogu Fahansiinayo Laguna Boorinayo Diwaangalinta Codbixiyaha Hase Ahaatee Markaliya Masoo Qaadin Maankooda Ma Galinin Oo Ma Xasuusan Dadkoodaas Baahan Ee Duruufta Qalafsan Iyo Daranyada Biyo Iyo Baad La,aaneed Ku Habsadeen Mana Jirto Wax Caawimo Iyo Gargaar Ah Oo Ay U Fidiyeen Haseyeeshee Hankooda Hamigooda Iyo Hadafkoodu Waa In Dadku Is Diwaangaliyaan Kadibna U Codeeyaan
Laakiinse Iswaydiintu Waxay Tahay Hadii Dadku Shacabka Ahi Gaajo U Bakhtiyaan Siyaasigu halkee Ayuu Cod Iyo Taageero Ka Helayaa?
W/Q  Khaalid Abdi Muhumed(Bulshaawi)