Digreetooyinkii Madaxweyne Siilaanyo Xalay soo Saaray oo Bedka Soo Dhigay Khilaaf Huursana oo Madaxweynah iyo ku-xigeenkiisa u dhexeeyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeen ku xigeenka Somaliland, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf dibada u soo baxay, kaasi oo sababay in Madaxwayne Siilaanyo safarkiisii maantu galinka dambe u dhaco.

Khilaafka labada masuul oo soo taagnaa intii lagu jiray isku shaandhaynta lagu sameeyay Badhasaabada, ayaa dibada u soo baxay maanta ka dib markii Madaxwaynuhu Maareeyaha Waddooyinka Somaliland uu Magacaabay Masuul ay wallaalo yihiin  Wasiirka Warshada.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo arintaasi ka cadhooday, ayaa goor dhawayd isku dayey inuu shir-jaraa’id ku qabto gurigiisa isla-markaana soo bandhigo nuxurka khilaafka ka dhexeeya Madaxwaynaha, ayaa waxa ergo ahaan ugu tagay Wasiirrada Maaliyadda, Duulista iyo warfaafinta, kuwaasi oo Madaxwayne ku xigeenka ka codsaday inaanu warbaahinta la hadal.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa Wasiirrada ka ogolaaday inaanu warbaahinta la hadal, balse waxa sida la sheegay uu Wasiirrada u sheegay inaanu ka noqonayn mowqifkiisa ah in Madaxwaynuhu ka noqdo xilkaasi uu u Magacaabay ninka ay Wallaalaha yihiin Wasiirka Warshadaha.

Khilaafkan ayaa gaadhay in Madaxwaynuhu safarkiisa Ingiriiska oo galin hore ahaa inuu galinka dambe dib ugu dhaco, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan inay suurto-gal tahay inuu gabi ahaanba baaqdo safarka Madaxwaynuhu.

Hargeysa/Office

Somalilandpost