DIGNIIN IYO WAANO ku socota dadka Reer Somaliland, ee calanka tawhiidku ku qoran yahay u isticmaala si aan munaasab ahayn xiliga 18th of May ~ W/Q: Cali Dhimbiil

Somaliland_18MayCalanka Sopmaliland waxaa badiyaaba isticmaala dumarka Reer Somaliland, iyagoo ka dhigta duruuc , foodado, masaro iyo weliba waxyaabo kale oo aay gacmaha iyo dhegaha ku xidhaan .  Hadaba dhibaatadu maaha gasashada calanka, ee waa sida loo isticmaalo iyo meesha uu munaasab ku yahay calanku.   Calanka aan tawhiidka lahayn sidii la doono ayaa loo isticmaali karaa, madaama uu maro yahay, inkastoo xitaa marka aanu tawhidka lahayn lagaaga baahan yahay inaad qiimayso calankaaga.

Hadaba waa maxay waxyaabaha aan uga digayno ama ka waaninayno inaanay samayn dadka calanka u qaata xafladaha lagu maamuusayo sanadguurada Somaliland.   Waa ta horee waa in rag iyo dumarba laga taxadiraa inay u qaataan calanka Tawhiidku ku qoran yahay meelo laga heesayo amaba qofka sitaa uu ku ciyaarayo heeso iyo wixii la mid ah, amaba isagoon qofku ogeyn uu suuliga la galo.  Waxa kale o oo aan haboonayn in gabadh dumar ah oo aan saani u asturnayn aay xidhato calanka tawhidku ku qoran yahay.  Ta ugu darani waxa weeye qof sakhraansan oo calanka tawhidka xidhan, isagoo u laalaadinaya meeshu doono.  Waxaaba dhici karta in la sameeyo waxyaabo kaba sii daran arimaha aan soo sheegay, sida dhalinyaro u madadaalanaya si aan habooneyn iyagoo xidhan calanka tawxiidku ku qoran yahay.

Sidoodaba dadku aad uguma fiirsadaan waxyaabaha caadada iska noqotay ee aan xoog looga fekerin, sida metalan Kitaabka Qur’anka ah oo dusha laga saaro TViiga aay ka soconayaan waxyaabo khabiis ahi.  Calanka tawhidku ku qoran yahay laguma laha ha qaadan, laakiin waxaa fiican in meel ku haboon la sudho amaba loo isticmaalo, sida gurigaaga amaba xafiiskaaga.

Calaa ayul xaal, calanka tawhidku ku qoran yahay waa in karaamadiisa iyo sharaftiisa la ilaaliyo.  Waayo macnaha tawhidku waa waxa keliya ee qofku uu kaga duwan yahay qofka gaalka ah ee aan ilaahay rumaysnayn, markaa hadaad adigu rumaysantahay Lailaaha ilalaahu mohamadow rasuulullah, dee markaa waa inaad ku camal fashaa waxa aay koobayso kelmadahaasi, oo runtii aan aad u fara badnayn laakiin koobaya macne aad u balaadhan oo u baahan in la fasilo maalin iska dhan.

Hadaba maxaa xal ah, madaama aynu u  badanahay dad ka qayb gelaya xaflada Somaliland, ee 18th of May, inagu soo foodleh; waa mida horee waa in dadka xafladaha tagaa aanay isticmaalin calanka tawhidku ku qoran yahay marnaba. Laakiin waxa la samayn karaa laba arimood; waa mida horee waa inaan calanka tawhidku ku qoran yahay aan loo qaadan xafaladaha dabaaldegyada Somaliland, laakiin hadaad calan qaadanaysid madaama aay muhiim tahay in calankaaga aad ku faantid, khaasatan xiligii  aynu xoriyada qaadanay, waxaa hagaagsan in dhalinyaradu qaadato calan aan tawhiidku ku qornayn.  Waayo waxaad ka badbaadaysaa macsiyada kuu keenaysa inaad caasidid ‘kelimatul tawhid’’, iyo weliba xaflada lafteeda oo aan meelnaba ka soo gelin diinta islaamka.

Weligiin xaqa iyo baadilka waa inaad kala saartaan, oo xitaa markaad qaladka ku jirtaan aanad ku adkaysan in waxaad samaynaysaa aay sax yihiin.

Kuwa sameeya amaba soo tola calanka Somalilandna waxaan odhan lahaa, calan aan tawhiidku ku qornayn dadka u sameeya, oo ha la yareeyo calanka tawhidku ku qoran yahay ee la soo daabacayo iyo shay kasta oo diinta islaamku ku taalo.

Ali Abdi Dhinbiil

Ali.dh@hotmail.co.uk