Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland oo sheegay inaanu Jirin Jewi Suurta-galinaya Doorashooyin wakhtiga loo muddeyey ku qabsooma, Talo-Qaran-na ku baaqay

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha iyo Dimuqraadiyadda ee Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan-Xuquuq), ayaa ka digay Qarax siyaasadeed oo ka dhaca Somaliland wakhtiga kala guurka ee dhammaadka Muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku eg 26 June 2015-ka, kaas oo ay ka hadhsan tahay muddo aan afar bilood ka badnayn.

Saleebaan-Xuquuq waxa uu ku dooday inaanay wakhtigan muuqan jewi suuragelin kara in doorashado wakhtigeeda ku qabsoonto, sidaa awgeedna loo baahan yahay in talo loo dhan yahay laga yeesho Marxaladda kala-guurka.

Afhayeenka UrurDifaacayaasha Xuquuqal-Aadamaha Somaliland oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka qaarkood dalka ka wadaan fawdo, isaga oo si cad u eedeeyey Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwa curdin-dhadhiyey dimuquraadiyadda Somaliland ka hana-qaadday sida uu hadalka u dhigay.

Halkan ka daawo