Dhuxulow Kulmiye Waa Laga Dareeray Ee Ma Shadaadiin Baa Xukuumada U Codaynaysa? Mise Doorashada Waynu Boobnaa ?‏

Guud ahaan waxaan salaamayaa bulshada Sharafta Badan ee Reer Somaliland meel kastoo ay Aduunka ka joogaan, marka xiga waxaan jeclahay in aan inyar wax ka idhaa hadal shalay ka soo yeedhay Afhayeenka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo uu sheegay in doorashada soo socota ku Guulaysan doono Xisbiga Kulmiye islamarkaana Mucaaridku aanay wax Taageero ah ka haysan Shacabka.

Waxaan leeyahay Dhuxulow aynu Xaqiiqda ka hadalno Bulshadana beenta iyo Borobogaanda ka daaya, Kulmiye intii aad ku jirtay iyo in ka badanba waxaan ka mid ahaa Dhalinyaradii reer Hargeysa iyo Gabiley ee sida weyn u soo Taageeri jiray Madaxweyne Siilaanyo, Kursiga ku fadhiisiyay, laakiin maanta Qoomamaynaya, Taageeradii iyo Codkoodii ay siiyeen.

Shacbiga Reer Gabiley, Hargeysa iyo Saaxil, way ka daaleen Beenta iyo Balaayada Xukuumada Siilaanyo, Meel kalena waxba ka sheegi maayo, laakiin Deegaankii aad u dhalatay ee uu Siilaanyo shalay Codka ka helay Maanta waxba uma Yaalaan ee taa ku Biyocab, hana ku riyoon inaad Doorashada Ku guulaysataan, waxaana kuu cadaynaya Siyaasiyiintii ruug cadaaga ahaa ee Shalay Siilaanyo Barbar socday oo ay ka mid Yihiin Maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yuusuf Ducaale, Iyo Ibraahim Dhegoweyne, maanta waa Mucaaridka ugu weyn ee ka soo horjeeda Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, shacabkooduna iyaga ayay raacsan yihiin ee in yar oo Guulwadayaal waxba ka maqli mayaan.

Sidaa darteed Dhuxulow markaad adigu leedahay Kulmiye ayaa Guulaysanaya halkeed ka ogaatay ma waxaad moodaysaa in 20 Wasiir iyo adiga iyo inta Guulwadaynta ku caano maashay ay Codka dhiibanayaan oo kaliya ka dibna uu Siilaanyo sidaa ku soo baxayo, Arinku sidaasi maaha ee shacbiga Somaliland ee shalay Siilaanyo doortay ayaa Codaynaya oo waliba Maanta u diyaar ah inay Codkoodii shalay ay ku soo saareen ee ay ku doorteen Madaxweyne Siilaanyo, ay maantana ku muquuniyaan oo ku ridaan Xukuumadiisa, ee waxba ha ka sasina oo ha ka didina doorashadii baa soo dhaw.

Mohamoud Osman

Hargeisa Somaliland

Mccabdi86@gmail.com