DHUUDHAAS (Maanso) – W/T: Abwaan Maxamuud Sh. Cali

maansoMaansadan oo uu curiyey Abwaan Maxamuud Sheekh Cali Siciid (Caways Bahale), waxa uu soo baxay 09/09/2013, waxa uu isugu jiraa waddaniyad, garnaqsi, waano iyo kaftan-sugaaneed oo ku socota siyaasiyiinta dalka, gaar ahaan Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Madaxtooyada iyo Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

Wajaq iyo is-moodsiis

Dar wadkoodii galay iyo

Waafigii ku bahaan

War yar kaaga sheegiye

Weedhaydan qun u maqal

Wegereey ma garateen

Wacadarahan gilgilay iyo

Iyo gorayo khaakhlayn

Waddanigaa dhur-sugayoo

Dhawraayey guul qaran

Goobtii la furiyo iyo

Geedigu hadduu degi

Tudhaal gaws-qabsanayoo

Surbacaadka gaajada

Gaagaabsan cabshiyo

Gunaadka iyo nabarada

Taaha iyo goohaba

Gaadhka iyo ilaalada

Gedi layl ku foognaa

Gunno ugu duudaynee

Gobonimo ka saanyadaa

Goob lagu faqaayiyo

Golo la isu wacay yimi

Moodyey gacal ku farax iyo

Gobaad baa dhashu yidhu

Gabashadu dhegaystuu

Gobo’diyo xogtii helay

Garabkayguu taabtoo

Go’iwaaye maandhaw

Maragtaa giniistani

Gaadiid qaadkan baaqdiyo

Gumarada isku baawayn

Lama fila iyo gurin tira

Waaye odhon ka guray xalay

Wuxu yidhi god-qode dheer

Iyo gumaro xeel foge

Goolaaftan cabashiyo

Garnaqsiyo is-yeelyeel

Tookhe gorayo khaakhlayn

Nin baa baan guban

Ku gunaanad gabay maqal

1. Xaashi baa gabyoo yidhi

Dhitadaan gunneeyeen

Gaarka u kobcinayeen

Gabashada bulshada sugay

Inta ay gam’ayseen

Gadaal aan ka guri rabay

Lama fila iyo gaadmo xun

Siilaanya goor baas

Gudbi yidhi xilkoo dhiib

Gagabkaan ka qadaan

Golahan u abuuree

Gar miyaad ka weyntiin

Ginni kama haleeline.

2. Xasan baa gabyoo yidhi

Miyeydaan i garanayn

Balligubadle sawtaad

Ku-xigeen guddoonshe ah

Siyar garabka la ii sudhay

Dalka guda galkeeniimaanso

Tuurbaa ina galalafoo

Gacal-tooyo dhaawacee

Go’aan miyaaban ku lahaa

Soo gudubtay..gudubtoo

Gu’yaal aan dhursugayoon

Iska waayey gole qaran

Xusbigaan u gogol-dhigeen

U guntaday maxa gabay?

Axmed-dhegax gadoodkii

Golaftankii Arab

Maxa lagu gudbayaha?

Ma sanuunshay garashaday

Guushaydii waxay taal

Golahane i garab gala.

3. Faysal baa gaboyoo yidhi

Xaggu gebi xagguna gebi

Guntu wallac dheh xaajadan

Doorashayo laba galay

Gacmo madhan go’aan noqay

Horrena waxa i gunayn jiray

Guuraha shir la is wacoo

Casho, guunyo kabis iyo

Jeegag gudub socdoon gu’in

Riyaalana gaduu rabaan

Guddoon aan ku siin jiree

Guddoonshaa igu soo hadhay

Xusbigayga gebigii

Xataa ganaca dhiiboo

Jamaal ina Xuseenoo

Jeebabku u gingimanyiin

Milyan gini wax kaga gaday

Hadduu go’ay kiniinkiina

Siilaanyana gardiid noqay

Jeeba gacanta gelin waa

In aan gudub ka dego oon

Garab cararo gaadhiga

Gole hamashkan soo Waco

Wada ila gashay afgo’a

4. Dhega-weyna gabay baan;

Gedahan jicsiman jiray

Garabo goosi sibidhikiyo

Gacan-dhiibka haamaha

Googoosi tuub xad

Gadistiyo dilaalkii

Dayday u garaadayn

Dekeda iyo cashuurahaan

Gebirka aan ka guri jiray

Siilaanyaa gooyoo

Guryahaygiibaa ba’ay

Haba gubato Lantuye

Gefkan dhacaan gole u wacay

Gebagebaan horsed ahay

Iyo gulufe ha u dagan.

Dhanka kale dhugtoo idhi

Xirsooyo go’aankiyo

Adiguna gadaa sheeg

5. Xirsibaa gabyoo yidhi;

Gaban ba aniga ii daa

Cilmi iyo gorfayntiyo

Garashana umaan negi

Goobtan aan ku suganahay

Gadh-caddiyo ged-weyntii

Siyaad uu gardaadshaa

Ka gubtoo colaadiyo

Guluf weerar aan demin

Ii laba gacmoodshoo

Ged kastaba adeegsaday

Goortaan yaqiinsadaan

Ana aan difaac galay

Gaydhkoon ka xidha iyo

Gudbintoodaan diidiyo

Gabay inaan u tiriyaba

Iyaga iga galabsadoo

Nabadi waa iga garanuug

Gacma taag is dhiibiyo

Jeeray weerar gooyaan

Gartaan inaan dhigooda ahay

Goobo iyo meeriyo

Gantaalaha ridada dheer

Gujiskay ii istaadhanoo

Waa i guri dhufayskuna

Gaagaabsi waan dhigay

Dub u gurasho ma aqaan.

6) Waddani gabyoo yidhi;

Garashoo ba’ buu yidhi

Garbiga iyo quudhsigu

Inkastooy gad-jaan iyo

Xasad gurin-tir uu yahay

Nacas guul ha moodee

Waxaad gool ku dhalisaa

Godka kaad u qodaysiyo

Dhukus gaadmo ruxaad

U maleegi geerida

Intuu gama’san yahee

Wali aanu kugu garan

Sidaan waa iskaga goyn

Gedaan jirana maan arag

Ma aan garan gufaacadan

Wanjal way ka gudubtoo

Goolaftan dhaaftee

Tani maa iskaga goyn.

Markaan goobay aragtida

Genbigii dalkeeniyo

Tani waa iskaga goyn.

Geenyada ha laga dego

Ninka samaha gasirow

Rag colaadii kumaad guban

Dhanka kale golow fahan

Gedigiiba shacabkanu

Madaxweyne guunoo

Guddoonshe uu doortoo

Goolaha waxqabadkana

Gedi waynu aragnaa

Garab qabashadiisiyo

Guulayso ma ogiye

Gol-qaniina kama mudan

Dhan kale golow fahan

Ha ku dagan bulshadan

Gogol giringiris ku siisee

Bustahay gembida iyo

Gadoodna wuu ka dhaw yahay

Calankay ka gaadh tahay

Googa dheh cigale

Guntin furisteed weeyaan

Xirsow goobtaad joogtaa

Waa guri muwaadinoo

Dulqaad iyo ka goosada

Goob waliba xeerkeed

Go’aan qaadasho xilkeed

Kala gaar lahaatee

Ha godbinoo ha gaydhine

Sinaan loo gudboon yahay

Gudbi oo ku gacan-qabo

U fur gaydhka wixii gara.

Dambay mooday gar u eeg

Gefna ha igu noqtee

Madaxweyne golahanu

Raggan guurtidee lumay

Hadday sidan garmoodeen

Waayeel gafay u tudha

Iyaba way garaabiye

Gogol sooryo gobonnimo

Gurigaaga ugu yeedh

Gaagaabsi wax u sheeg

Gacaltooyo kula xaal

Cadaw guunnaba tuban

Guulba inaga sugayee

Laba geedi baa u hadhee

Kula eero gobonnimo

Xilkas guusha odaynimo

Ku gunnaanad xaajada.