Dhulka u Naxariiso, Si uu Cirku Kuugu Naxariisto

Arxam fil ardi, wa yarxamuka fil samaa’ (Dhulka u Naxariiso, Si uu Cirku Kuugu Naxariisto). Xikmada ku jirtaa waxaa weeye u naxriiso cidda aad ka awood badan tahay, si uu Ilaahay kuugu naxariisto; kuywa uu awooda siiyayna uu ugu jiheeyo inay kuu naxariistaan ileen isagaa (Ilaahay) wax walba awoodee.

Hadaba, inagoo taas rumaysan oo og in Ilaahay hadalkiisu biyo kaba dhibcaan yashay, bal dib isugu noqo sida aad ula dhaqanto cidda aad kaga awood badan tahay xukunka, shaqaale aad xukunto ama kuu shaqeeya, ooridaada, caruurtaada, waalidkaagag gaboobay, dad xanuunsanaya, danyarta ay ugu horreeyaan ehelkaaga iyo jaarkaaga, kuwa aad dhaqaale, aqoon, caqli ama itaal ku dhaanto. Hadii aad u naxariisan waydo inuu Ilaahay kugu salidayo qaar kaa awood badan oo aan kuu naxariisan.

Weli ma u fiirsatay rag markay suuqa joogaan dabeecad fiican, oo marka caruurtooda ama xaaskoodu la hadasho aad moodayso inuu cadaw qabtay oo jidhka is-gelinaya. Mase aragtay sarkaal dadka xafiiskiisa booqda iyo madaxdiisa u raxlaynaya shaqaalahana aan salaanta ka qaadayn.

Dib aynu isugu noqono oo ay qiimayno sida aynu ugu naxariisano xoolaha aynu dhaqano marka aynu dhaqayno ama dhoofinayno. Weli ma aragtay xoolaheena marka baabuurta lagu  rarayo sida loo garaaco, ee xataa ul iyo qori daba laga geliyo (Allaw magantaa).

Weli ma aragtay baabuurta lagu raro xoolaheena ee geela la fadhiisiyo sagxad bir ah oo jilbaha adag ee geelu aanay xamilayn, balse ilaa Berbera lagu wado; iyo lo’ada sagxada birta ah lagu diso ee marba geesaha isla galaysa ee isku cabudhaysa ee qoraxda ay gaawidhu taagan tahay darawalkiina uu hadh ku qayilayo ee uu biyo qabaw cabayo, ee uu neecow isu dhigayo (Xusuusnoow inuu Ilaahay ina wada abuuray inaga iyo xoolaha).

Weli ma aragtay sida ay caruurteenu dhagaxa ula dhacaan ayda iyo bisadaha aan waxba galabsan ee WIIQDA haya marka uu dhagax ku dhacaba.

Weli ma dhugatay, sida dameeraha aynu manaafacaadsano aynu ku karbaashno, ee aynu u saarno culaysa aanay qaadi karayn, ee mararka qaarkood nabar loo yeelo si ay damqadaan oo ula cinqadaan culayska aanu gaadhi qaadi karayn ee lagu tiiriyo. Mase jaleecday dameero sidii culays loogu teedinayay lkug ka jabay ama intuu gaadhi jiidhay magtiisii ninkii lahaa qaatay oo dameerkii oo naafo ah lagu si daayay suuqa.

Wligaa miyi ma tagtay oo ma aragtay caruur xoolhihii caanaha looga lisayay ul iyo bud ku garacaaya, ileen waalidkiibuu ka arkay ama isagaaba sidaa loo garaacaa, isagoo/iyadoo maanta dhan xoolaha la joogay/joogtay.

Ilaa aynu u naxariisano inta inaga tamarta daran, inta inaga tunka wayn yaynaan naxariis ka sugun.

Axmed Maxamed Diiriye

Nayroobi, Kiiniya

ahmedmdiriye@yahoo.com