Dhulgariirkii Labaad Oo Saacado Gudahood Ku Dhuftay Dalka Jaban Dhimashada iyo Dhaawaca Uu Sababay

Japan(Slpost)-Dhulgariir aad u xoog badan ayaa ku dhuftay magaalo lagu magacaabo Kumamoto oo ku taalla dalka Japan, halkaas oo saacado ka hor uu ka dhacay mid kale oo ay ku dhinteen ugu yaraan 9 qof.

Dhulgariirka oo heerka cabirkiisa lagu qiyaasay 7.1 waxa uu dhacay xilli aroor ah.

jaban

Wararka laga helayo Japan waxa ay sheegayaan in dhibaato baaxad weyn leh inuu dhulgariirka geystay.

Sidoo kale in korontada ay ku gubatay xaafadaha, dhismayaasha na way dumeen, sidoo kale cisbitaal ayaa dadkii laga saaray kaddib markii uu dildilaacay dhismaha.

Dad badan ayaa waxaa ku dumay dhismayaasha, ugu yaraan 19 qof ayaana ku dhimatay,qiyaastii 1000 qof oo kalena cisbitaallada ayaa la seexiyay.

Muuqaallo laga baahiyay TV-ga NHK ee dalka Japan waxa ay mujinayaan sida ay dhulka iyo dhismayaasha u ruxmayeen.

Ra’iisul wasaare Shinzo Abe waxa uu sheegay in dadka lagu wargelindoono sida ay wax u dheceen.

Waxa uu sidoo kale amray in dhammaan saraakiisha ay quseyso ay sidegdeg ah xaaladda u qiimeeyaan, si howlaha gurmadka loo billaabo.

Gavin Hayes oo ka tirsan xarunta sahanka dhulka ee Mareykanka ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in dhulgariirka dambe uu dhabarjab ku yahay howlihii gurmadka loogu fidinaayay dadkii uu kii hore saameeyay.