Dhulgariirkii Ku Dhuftay Japan Shan Sano ka Hor Oo Dalkaas Si Weyn Looga Xusay

Japan(SLpost)-Dad badan oo kakala socday dhamaan gobolada dalka Japan ayaa madaxooda hoos u dhigay si ay u xusaan 18 kun oo dhibanayaal ah oo ku waxyeeloobay dhulgariir dalkaasi ka dhacay shan sano ka hor.

Dhulgariirkaasi Tsunami waxa uu musiibo daran ka dhaliyay waqooyiga bari ee dalkaasi Japan.

 

japanBoqorta hogaamin dhaqameedka ee Akihito iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Shinzo Abe, ayaa waxa ay hogaaminayeen maamuus xus ah oo lagu qabtay magaalada Tokyo.

Waxayna xuska lagu aadiyay daqiiqadii uu bilowday Dhulgariirka iyo bartii uu ka dhacay.Gambaleelo ayaa la garaacay, tareenada korontada ku shaqeeyana waala hakiyay si loo xushmeeyo xuska lagu xasuusanayo dhibanayaashii dhulgariirka.

Dhulgariirkaasi wuxuu sidoo kale ku dhuftay warshadda nukliyerka ee Fukushima.Waxaan burburay seddax qeyb oo lagu keydinaayay Shicaac (radiator).Shucaacaasi waxa uu ku faafay deegaano badan, waxaana ku sumoobay biyaha, cunnada iyo hawada.

BBC