Dhul –Gariir Xoogle Oo Gil Gilay Koonfurta Amerika Xalay Saqdii Dhexe

Koonfur Amerika (SLPOST) Dhulgariir xoogleh ayaa laga dareemay xalay saqdhexe dalalka Chile, Peru iyo Bolivia oo kamid ah dalalka koonfurta Amerika.

chiledhulgariir

Dhulgariirka oo xoogiisa lagu sheegay 8.2 ayaa ka dhacay gunta hoose ee badweynta Basifikada (Pacific ocean) waxaana isla markiiba ku xigay hirarka Tsunami oo laga cabsi qabay inay qaadaan magaalooyin badan oo xeebta ku yaal.

Dowlada Chile ayaa sheegtay in ay dhulgariirkan ku dhinteen illaa iyo hada inta la ogyahay shan qof, dalalka Peru iyo Bolivia ayaa sidoo kale laga dareemay dhulgariirka xalay kaasi oo ku khasbay dad badan inay guryahooda banaanka uga baxaan. Waxaa sidoo kale magaalooyin badan ka go’ay korontadii.

Inkastoo dhulgariirkan uu xoog badnaa hadana khasaaraha dhimashada ayaa yar maadaama dhulgariirka xoogiisa uu ka dhacay dhinaca bada Basifikada.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland