Dhul-gariir Markale Ruxay Nepal, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Dalka Hindiya Oo Laga Dareemay

Kathamandu, (SLpost)- Kumanaan ku nool caasimadda dalka Nepal ee Kathamandu ayaa waddooyinka u soo baxay, ka dib markii uu dhul-gariir cusub oo xoog badan uu ku dhuftay dalkaas.

Hay’ad cilmiga dhulka ka shaqeysa oo Mareykan ah ayaa baadhitaan ay samaysay ku sheegtay in cabirka dhul-gariirku uu ahaa 7.4, iyadoo dhul-gariirkii bishii hore ee April ka dhacay waddankaasi uu cabirkiisu ahaa 7.8.

Dhulgariirka ayay baaxaddiisu gaadhsiisnayd inta u dhexaysa Kathmandu iyo buuraha Everest, waxaanu socday muddo laba daqiiqo ah.Nepal Earthquak

Dhul-gariirkan ayay wararku sheegayaan inay ku naf waayeen 45 qof, halka uu dhaawac kasoo gaadhay 1,115 qof oo kale magaalada lagu magacaabo Namche Bazaar oo u dhaw buuraha Everest. Sidoo kale saraakiil u hadlay dalka Nepal ayaa tilmaamay inay dhulka la sinmeen in ka badan 19 dhisme, kuwaasoo 10 ka mid ahi ay ku yaallaan magaalada caasimadda ah ee Kathamandu.

Dhul-gariirkan ayaa sidoo kale laga dareemay dalka Hindiya oo jaar la ah waddanka Nepal, wasiirka qoyska dalkaas sheegay in dhul-gariirkaas ka dhacay Nepal uu ay ugu dhinteen dalkiisa 17 qof, kuwaasoo ku noolaa waqooyiga magaalada lagu magacaabo Bihar state. Sidoo kale waxa uu xusay wasiirku in  dhismeyaal ku yaalla magaalada Delhi ay ruxmeen.

Dhul-gariirkii kan ka horeeyay ee ku dhufta dalka Nepal muddo laga joogo saddex todobaad ayaa waxa ku naf waayay in ka badan 8 kun oo qof, halka tiro kale oo badanina ay ku barakaceen oo ilaa hadda ay ku sugan yihiin banaannada, iyaga oo aan haysan wax hoy ah.

Somalilandpost.net