Dhul-gariir maanta ka dhacay magaalada Boorama

Boorama, 6 January, 2012 (SLpost)- Dhulgariir aan cabbirkiisu weynayn  ayaa maanta abbaaro 10:30 subaxnimo ka dhacay magaalada Boorama kaas oo aan laga dareemay qaybaha kala duwan ee magaaladu ka kooban tahay.

Dhul-gariirkan oo ilaa imika aan la ogeyn khasaaraha uu geystay, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee sannadkan cusub ka dhaca magaalada Boorama inta badan lagu yaqaano inuu ka dhaco dhul-gariir marar qaar geysta khasaaare naf iyo maalba leh.

Maaha markii ugu horreysay ee dhul-gariir noocan oo kale ah laga dareemo magaalo-madaxda gobolka Awdal ee Boorama, haseyeeshee marar badan ayey sidan oo kale u ruxeen ama looga dareemay dhul-gariirro ah.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net