Dhismaha Madaarka Burco oo la bilaabayo Sannadkan 2020-ka iyo Qorshaha Ballan-qaad ee Xukuumadda Somaliland

 

“Waxaanu u arkaynaa inay ayaan-darro tahay maanta in ay Burco bilaa Madaar noqoto iyadoo ugu mudnayd, waxa Afsoomaali ku hadla in Madaarkii ugu horeeyay laga sameeyay.” – Wasiir Cabdilaahi Abokor

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in sannadkan 2020-ka gudihiisa la bilaabi doono dhismaha Garoonka Diyaaraha ee magaalada Burco.

Cabdilaahi Abokor Cismaan

Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa hadalkan ka sheegaymunaasibad lagu abaal-mariyey hawl-wadeennadii ugu wax-qabadka badnaa ee Wakaaladda Horumarint Jidka, taas oo shalay ku qabsoontay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

“Waxan jecelahay qodobka ay reer Buco aadka ii weydiiyaan waxa weeye Madaarka Burco, runtii inta aynu meeshaas gacanta ku haynay marnaba maskaxdayada kamay bixin Madaarkaa burco sababtoo ah Burco waa Caasimaddii labaad ee  Dalka, waa degmooyinkii ugu balaadhnaa Madaarkan Burco waxa uu ahaa Madaarkii ugu horeeyay ee dhul Soomaaliyeed Madaar laga dhigo 1921kii, waxaanu u arkaynaa inay ayaan-darro tahay maanta in ay Burco bilaa Madaar noqoto iyadoo ugu mudnayd waxa Afsoomaali ku hadla in Madaarkii ugu horeeyay laga sameeyay, dhibaatada timi waxay noqotay qiimayantii iyo shaqadoo la bilaabay iyadoon dhaqale loo hayn taasi waxay noqotay mashruuca aanu ku talogalnay Berbera Madaarkii laga dhisayey maadama Madaarka Berbera la wada isticimaalaayo, in Madaarka Xagan loo soo raro, rarkii wuxuu noqday in qiimihii lagu qiimeeyay mashruucan hore iyo msharuucaa lagu qiimaynaayey ay kala duwanaadaan markaa xoogaa xaga dhaqaalaha ah ayaa jiray, taasna waanu dhammaynay”.

“Saaka (Shalay subax) waxaanu   kulanay  oo aanu Gobolka Togdheer ku kulanay gudidii gacanta ku haysay oo uu ka mid yahay Sheikh Cali Mawliid ayaanu kulanay, 10 casho ka hor Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliland waxaanu ka wada hadlaynay mashruucaas Madaarka ee Burco, waxaanu rajaynaynaa sanadkan gudahiisa 2020-ga mashruucaasi in uu bilaabmidoono.”

Dhanka kale, Wasiirku waxa uu sheegay in mashaariicdda sanduuqa Harumarinta ee SDF ay ugu jirto lacag dhan 8 milyan oo doolar waddada isku xidha Berbera iyo Burco oo dayactir lagu samayn doono.

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com