Dhismaha Hool Weyn oo Wax ka taraya Qalin-jebinta Jaamacadda Camuud oo DAHABSHIIL GROUP maalgelinayaan oo Maanta la bilaabay

Boorama (SLpost)- Waxaa maanta si rasmi ah loo bilaabay dhismaha hool wayn oo ay shirkadda Xawaaladda Lacagaga ee Dahabshiil ugu deeqday Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama.

Munaasabaddii lagu bilaabay dhismahan cusub, waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Shirkadda Dahashiil oo uu ugu horeeyo maareeyaha Shirkadda Dahabshiil qaybteeda gobolka Awdal Xaaji Ismaaciil Cabdi Riiraash. Maareeyaha oo hadal kooban ka soo jeediyay madasha lagu bilaabay dhismaha, waxa uu sheegay in maanta ay bilow tahay hoolkii Waynaa ee ay ugu deeqeen jaamacadda Camuud, kuna rejo waynyihiin inuu dhismihiisu ku dhammaado qalinjabinta ardayda sanadkan oo la filayo in Ciidda Ramadan ka dib la qabto.

Maareeyaha Dahabshiil ee Gobolka Awdal waxa uu sheegay inay had iyo goor u taagan yihiin haddii ay yihiin Dahabshiil Group, ka qayb-gaadashada dhinacyada horumarka bulshada sida Waxbarashada, caafimaadka iyo Ciyaaraha.

Sidoo kale, waxaa isna ka hadlay mid ka mid ah farsamayaqaanada dhismahan wayn ee hoolka ah gacanta ku haya, kaas oo sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan u soo afmeeri doonaan haddii alle idmo dhismaha noqona doono mid qaabila arday badan iyo marti kale maalmaha qalinjabinta iyo munaasibadaha kaleba.
Si kastaba ha ahaatee dhamaystirkan hoolkan wayn ayaa noqonaya mid Jaamacadda Camuud ka dulqaadaya culus badan oo xiliga qalinjabinta ka haystay ardayda iyo marti sharafta kale ee u timaadda ka qaybgalka qalin-jabinta sanadlaha ah ee jaamacadda iyada oo sanadkan ay ka qalinjabin doonaan arday kor u dhaafaysa 600 Arday.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net