Dhinacyadda Qarsoon Ee Suugaanta Iyo Sharaxaada Gaariye – W/Q: Mustafe Sheekh Cumar Geeddi

Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Mustafe Sh Cumar Geeddi

Allaha ha u naxariisto Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Macallinku waxaa uu ka baxay beesha caalamka oo dhan oo uu ka mid ahaa Af-yahankeedda.

Halkan waxaan ku milicsan doonaa, Qormooyin taxane ahaa oo Aan Wargeyska Geeska Afrika ku qoray laba sanadood horteed. Kuwaasoo aan ka wariyay khudbo Abwaan Gaarriye jeediyay.
Qormadii koowaad

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waa mid ka mid ah hormuudka calanka u sidda xeel-dheerayaasha ku fogaadday kala dhilinta aqoonta suugaaneed ee Soomaalida (Cilmiyan), waa Af-yahan aan si fudud looga gudbi karin dhaabaddaha uu ku asteeyo noocyadda ay u kalla baxdo murtidu.

Waxaanan qormaddan ku eegi doonaa, ramaddaantii dhawayd kuwii ka horeeyay midkood, barnaamij uu ku soo bandhigay Carro Maraykan, kaasoo uu kaga hadlayay dhinac qarsoon oo ku saabsan Afka iyo Suugaanta Soomaalida.

Hor iyo horaanba aan ka cudur-daarto oo aan idhaahdo ma awoodo qalinku inuu aftahamo iyo wax u dhaw toona ku sawiro dhaq-dhaqaaq Abwaan Gaariye caan ku yahay oo uu ku kasbaddo dareenadda dhageystayaasha iyo daawadayaasha u ah shucuurtooda, taasoo uu si toos ah isugu sidko oo u waddaajiyo dareenkiisa iyo kan ka soo horjeeda xogta uu lafa-gurkeeda u dhaqaaqay.
Abwaanku, waxaa uu marka hore barnaamijkan isaga ah ku sharaxayaa Afka iyo luuqadaha kalla duwan oo uu cadeeyay in lagu tilmaansaddo halka uu ka soo baxo (Afka iyo Carabka). iyaddoo uu sheegay in Suugaantu ay tahay nimco eebaha sareeya ee hufani ku galadday aadamaha oo ay kaga duwanyihiin noolaha kalle.

sidoo kalle, Gaariye waxaa uu sheegay in marka hore afku yahay kan xidhiidhiya aadamaha, mar labaadkana uu tilmaan u yahay dhaqan ummadeed oo uu ka turjumo, iyadoo marka saddexaadna uu yahay buu yidhi qalab lagu fekero. “Mar waa lagu wadda hadlaa, mar ilbaxnimaddii aadanaha ayaa ku kaydsan. mar kalle waa lagu fekeraa oo qof dhaafi karaa ma jiro inta kalmadood ee uu yaqaan afka ay doonto ha noqotee. Inta kalmadood ee aad taqaan ayuunbaa Fekerkaaguna leegyahay.” Ayuu yidhi,Halkaas ayuu ka bilaabayaa, waxaana uu si mug iyo miisaan leh u dhex-dabaalanayaa suugaan afeedka iyo noocyaddeeda, haddii ay ahaan lahayd qaababka ay u isticmaalaan xeerbeegtidu marka geedka la joogo iyo haddii ay noqon lahay koox kasta oo ka mid ah bulshadda oo uu sheegay inay leeyihiin oo u xushaan howshooda eraybixin ku dhisan hanaan Xaraf raac leh oo u sahlaysa inay u xusuustaan si fuddud amuurta saameysa arrinta ay gacanta markaa ku hayaan.

Marxuum Abwaan Gaarriye

Dareenadda loo maro Maskaxda aadamaha ayuu haddana raacinayaa iyo suugaanyahanadu sidda ay ugu kalla xeel-dheer-yihiin raadaynta xusuusta ama sababta ay u kala xiise iyo xamaasad-badan yihiin ee loo kala jeclaysto tixdooda.
qaar ka mid ah suugaantiisa ka hadasha xuquuqda dadka iyo dhibaatooyinka la dariska ah ayuu sidoo kalle ku soo qaadanayaa Abwaan Gaarriye Bandhigiisan. waxaana uu ku soo khatimayaa murti dhalinyarranimo iyo waayihii Jacayladda uu ka hadli jiray ee hore oo gaadhsiisan illaa heer uu wax weydiin ulla noqdo Cadceeda guudkeena ka muuqata.

Waxaa la yidhi, ‘Oodo dhacameed sidda ay u kalla horeeyaan ayaa loo kalla gurraa’sidaas darteed waxaan Akhriste qodobaddan aynu sida sarka xaadiska ah u dul-maray ee kor ku xussan u soo qaadan doonaa qodob walba gaarkiisa, iyaddoo aynu ka xiganayno Abwaanka, doorka qalinku ku leeyahayna ay tahay uun xidhiidhin…Afka Iyo Suugaan Afeeda
…..Waxa uu tilmaamayaa marka koowaad Macalin Gaariye, in suugaantu tahay labeenta af leeyahay. siddaa daraadeed, waxaa uu sharaxayaa marka koowaad bah waliba luuqadda ay ku xidhiidho ee u gaarka ah waxa ay u taqaan, isaga oo tusaale u soo qaadanaya afafka loogu yeedho Kushitiga ee ay ku hadlaan Soomaalida, Oromadda iyo Canfartu, kuwaasoo uu sheegay in ay Afka ugu magacdareen halka uu ka soo baxo. “Waxaa lagu kalla beegi waayay qoladdeenan Kushitiga ahi waxaynu Afka ku tilmaanaa halka uu ka soo baxo, oo inagu Af ayaynu nidhaa Oromaddu Afaan ayay ugu yeedhaan. qolooyinka qaarna sidda kuwan aad la joogtaan (Maraykanka..Language), Lang, oo carabka ah ayay u yaqaanaan afka. malaha carabka dhaqdhaqaaqaya ayay arkeen oo u xusheen uguna magacdarreen” Sidaas ayuu yidhi.

Abwaanku waxaa uu intaa uga gudbayaa oo uu soo qaatay qaar ka mid ah Aayadaha Qur’aanka kariimka ah oo sheegaya in Ilaahay ugu galad sheegto aadamaha inuu abuuray oo uu baray inay wadda hadlaan. sidaa darteed-na uu ka mid-yahay nimcooyinka la is weydiin doono.
Waxaa uu markaa ka dib raacinayaa waxaa uu qabto Afku haddii ay ahaan lahayd xidhiidhka aadamaha, fekerka qofka iyo kaydka umadeed ee uu tilmaanta u yahay sidii aynu qormadeenii hore ku xusnay. “Haddaad Eegtaan qoladdan Qaanuunku, waxay leeyihiin erayo sharci oo macnohoodu xadidan-yahay, qeexanyahay oo aan la kalla jiidi karrin. waa afka wax lagu kalla qorto nootaayooyinka marka la joogo, Eray waliba waxaa uu leeyahay macne la isla gartay oo aan la dhaafi karrin. Qareen marka la leeyahay, marka eedaysane la leeyahay, marka Danbiile laga hadlayo, marka la soo qaadanayo Racfaan. Eray waliba waxaa uu leeyahay ujeedo cad oo aan kala bixi karrin. haddii aan macnahaa xaddidan la siina Qaanuun ma jirayo iyo sharci. qoladda Sayniska, Caafimaadka, qoladda dhismaha iyo qolo kastaaba waxay leedahay Erayo macno ahaan la isla ogolaaday iyo eray bixin hawshooda u gaar ah. marka qoraal sharci la sameynayana waa ta la raaciyo sharaxaad lagu caddaynayo Eray kasta waxa looga jeedo. laakiin, waxaynu halkan kaga hadlaynaa Suugaan.”Ayuu yidhi.

Abwaan Gaariye, marka uu amuurtan ka hadlayo, waxaa uu labaddiisa Gacmood ku sawirayaa gidaar afarta dhinacba ka xidhan oo Erayada sharci ee uu tilmaamay ku xayndaaban. Haddana, inta uu burburiyo Giddaarka ayuu sharaxayaa kala duwanaanta Erayadda sharci iyo kuwa suugaaneeda. “Suugaantu, waa meesha Erayadu seetadda ku goostaan, Erayadu waxay jebiyaan Gidaaradda lagu xidhxidhay ee macnohooda xadidaya ayay burburiyaan oo ma ogola. waa meesha Waalida iyo Miyi-qabka u dhaxaysa Suugaantu oo shaqeyn maayaan macnayaashan xaddidan iyo waxaasi.

waan ku cabudhayaaba anigu haddii aad immika erayga ii xaddido macnihiisa oo aad tidhaa sidaas uun ujeedaddiisu ha ahaato oo xaggaa iyo xaggaa midna yuu u dhaafin, ma garanayo anigu taa. Eraygu waa inuu iigu kalla baxaa sidda Cinjirka oo aan ku dhex-ciyaari karro oo inta aan soo qaado oo cajiimo, dabadeed macnaha aan doono ku shubo, dabadeed inta aan kugu soo celiyo aan ku idhaa weliba siddaa u faham, iska daa kan sharciga ah ee kuu qoranoo. addigoo faraxsan ayaanad iga qaadanaysaa oo annagu qoladda wax kasta laga qaato ayaanu nahay, waayo Eraygiibaa kala baxaya oo aan macne u gaar ah lagu soo oodine, qofku arragtidiisa raacinayaa oo xaguu doonana ula kacayaa. quruxda suugaantuna halkaas ayay ku jirtaa. qofka xoriyad ayaa loo siinayaa inuu ujeedada uu doono u qaato, haddii aad i weydiiso, ma sidaasaad ulla jeedayna, waxaan ku odhanayaa mooyi, ileyn mid kalle oo si kalle u haysta ayaa isna sidaada si aan ahayn u qaatey oo aad ka dilaysaaye”Ayuu yidhi.

Gaariye halkaa kaga hadhi maayo, balse waa uu sii waddayaa macneynta iyo shaandheynta qodobkan. waxaana uu soo qaadanayaa tusaalayaal suugaaneed oo markhaati ka ah Erayadda ujeedo badanta ah ee uu ka hadlay. maadaama aynu aragnay in badan oo inaga mid ah oo ku muransan laba aragtiyood oo mid waliba gaarkiisa ugu fasiray murti soo baxday.waxaana uu yidhi, “Ninbaa Beri Xaaskiisii ku yidhi

‘Allaa Faxane Faroweey,Haddaan kugu filaan waayay Nin faddeexad Necebaan ahoo Waan ku furayaa’. halkaad doonto ayaad ulla kacaysaa, ninkaasi isagu wuu hadlay.

Markaa waxaad odhanaysaa Tolow siddee ayuu ugu fillaan waayay. halaas ayaana nuxurku ku jiraa oo dhankii loo qaadaba waa geli kartaa, ninkiina meel uu ka baxo ayaa u banaan oo xaal qaban maayo. annigu siddaa umma jeedin ayuu odhan karaa hadduu doono. Eraygu waa inuu yeelan karaa wejiyo badan, kuwan Sharcigu waa ay ku xidh-xidhayaan oo eraygoodu waa mid leh macno kali ah.

Cabdi Iidaana waxaa uu yidhi, ‘Dadkaa lagu habaaraa Ducana waa u dhawdahay  Alla Ku Doori waa  axay’

Haddii aad tahay doqon laga barakow badan-yahay, waa duco, haddii aad nin wanaagsan tahayna waa habaar. ‘Alla Ku doori’ waa halkaa meesha Subagu ku jiro ee Abwaanka siinaysa meel uu ku ciyaari karro oo aan soo oodeyn.”

Macalinku sharaxaadan kooban ee uu ka bixiyay Erayadda sharci iyo kuwa suugaaneed farqiga u dhexeeya, Intan uu inoo tusaaleeyay uun kumma eka, balse sidoo kalle waxaa ku ladhan oo uu Abwaanku inoo daayay in baddan oo kalle, kuwaasoo uu u dhaafay Fekerkeena si aynu u buuxino.

La soco Qaybo kale oo Intan ka Mug ballaadhan