Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madaxda Dunida” Erdogan,Angela Merkel”

Hargeysa (SLpost)- Jacaylku waa dareen yaab badan oo jiritaankiisa iyo qeexdiisuba aadamaha ka dhex abuuraan doodo iyo falanqayn aan dhammaad lahayn, waxa aanu ka mid yahay mawduucyada qisaska la xidhiidha loogu xiisaha badan yahay dunida oo dhan. In badan ayaa la maqlaa ruux jacayl haleelay iyo suugaan tiro badan oo hal-abuur kala duwani ku cabbirayaan dhalin iyo waayeel uu jilbaha dhulka u dhigay, laakiin caadi ahaan ma dhacdo in laga warramo arrimaha jacaylka iyo haasaawaha ee boqorrada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda oo hadal haynta dhinacyadooda kale aad loogu mashquulo.

Qormadan oo ilo kala duwan laga soo dheegtay waxa aynu si kooban ugu eegaynaa qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey.

Xidhmo Shaglaydh ah ayaa qalbiga amiiradda xadday:

Buugga “Fursaddayadii u dambaysay” oo uu qoray boqorka dalka Urdun boqor Cabdalla Bin Al-Xusayn (Boqor Cabdallaha Labaad) waxa uu kaga waramay sida uu ugu dhacay jacaylka xaaskiisa Raaniya iyo weliba sida uu ahaa kulankoodii koowaad.

Boqor Cabdalla waxa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah oo uu ka soo noqday tababarro milateri, ay walaashii Caa’isha Casho ku casuuntay. Si uu nafta uga soo nasiyo Faasuuliyihii iyo baastadii qasacadaysnayd, ee labadii bilood ee u dambeeyey ku bariinsatay saxaraha ay ku taallay xerada milateri ee uu tababarka ku qaadanayey, casuumaddan Cabdalla si dhaqso ah ayaa uu walaashii uga aqbalay.

Boqor Cabdalla oo markaas waxa uu sheegay in aanu filayn in cashadan uu xiisaynayaa u waddo gabadh uu aragtida koowaadba jeclaan doono noloshana la wadaagi doono. Waa Raaniya Yaasiin oo uu ku tilmaamay in ay ahayd fariid Falastiiniyad ah oo 22 sano jir ahayd markaas, rasiinnimadeeda, maskaxda iyo fariidnimada uu ka arkay iyo kalsoonida ay isku qabtay oo lagu daray quruxda iyo jalaqsanaanta Alle u dhaliyey ayaa qalbiga Cabdalle ku taagay waran caashaq.

Amiir Cabdalla oo xilligaas aan weli xilka boqornimo qaban, waxa uu sheegay in gabadhan oo aanay ereyo badan is odhanin, markii uu isu sheegayba ay si khajilaadi ka muuqato ugu sheegtay in ay warar badan ka maqashay, iyada oo ugu duur xulaysa in wararka ay ka maqashay aanay ammaan iyo wanaag u badnayn. Isla markiiba amiirku waxa uu isku dayey in uu qalbiga gabadhan quruxda badan u dhowaada, waxa uu xansaday waxa ay jeceshay oo uu ogaaday in ay Shaglaydhka aad u xiisayso. Amiir Cabdalla kuma uu niyadjabin hadalka ay u sheegtay ee ah in aanay ammaan badan u haynin, balse waxa uu markiiba qof labadoodaba saaxiib la’ ahaa ugu soo dhiibay hadyad ah Shaglaydh nocoa qaaliga ah ee lagu sanceeyo dalka Belgium ka.

 Boqor Cabdalle waxa uu buuggiisan ku qirayaa in uu Raaniya si aad ah u jeclaaday, muddana daba roorayey si uu ugu qanciyo caashaqa uu u hayo, isaga oo weliba jacaylka inta uu qarsan kari waayey xitaa aabihii Boqor Xusayn Bin Dalaal u sheegay. Aakhirkiina waxa uu Raaniya ku qanciyey guurka ay illaa maanta oo uu boqorka dalka Urdun yahay ku wada joogaan.

Raaniya Yaasiin tan iyo sannadkii 1993kii markii ay is guursadeen boqor waxa ay ku dadaashaa in ay iyada iyo qoyskeeda oo boqorku ku jiraa dadka ku dhex jiraan oo ay yareeyaan farqiga kala sarraynta iyo kala fogaanshiyaha ee mansabka ay kala taagan yihiin bulshada, waxaana lagu tiriyaa marwooyinka boqorradu qabaan dhowrka ka mid ah ee iyagu inta ay qasriga ka soo dhaadhaceen bulshadooda ku dhex milan, kuna dadaala in saygooduna tubtaas maro.

Dhimbiisha caashaq ee gubtay laabta Erdogan:

Sannado ka hor ayaa uu madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu daaha ka rogay dhinaca jacaylka iyo kalgacalka ee noloshiisa siyaasaddu cuslaysay. Waxa uu si furan uga sheekeeyey xidhiidhka isaga iyo xaaskiisa Amiina, oo uu qirtay in uu ku bilowday jacayl aragtidii koowaadba qalbigiisa galay.

Siyaasiga guusha iyo hoggaaminta hal-adaygga leh lagu majeerto ee dalka Turkiga hoggaamiyaa, bilowgii jacaylka isaga iyo afadiisa waxa uu ku tilmaamay dhimbiilo caashaq oo qalbigiisa dhallaan rogay, waxa aanu ku celceliyey in tan iyo maalintaas uu si buuxda oo isku mid ah u jecelyahay Amiina, oo mashquulka iyo loollanka tacabka badan u baahan ee siyaasaddu aanu waxba ka beddelin.

Amiina Erdogan 37 ka sano ee ay wada joogeen Rajab weligeed ma’ay weydiin sababta uu goor hore guriga u iman waayey ama shaqada uu u siiyo waqti ka badan ka uu qoyskiisa siiyo. Waxa ay is guursadeen sannadkii 1978kii, waxa aanay dhaleen afar carruur ah oo kala ah, Axmed Baraaq, Sumayah, Najmuddiin-Bilaal iyo Israa.

Xaaska Madaweyne Rajab Dayib Ardogan oo isir ahaan ka Carab ka soo jeedda, balse dhalashadeedu Turki tahay, ayaa lagu tilmaamaa haweenay dalka Turkiga ka ah tilmaam lagu bidhaansado isu-soo-dhoweynta qaybaha kala duwan ee bulshada Turkiga.

Angela Merkel: Ardayaddii macallinkeeda jeclaatay:

Angela Merkel oo ahayd ardayad si aan caadi ahayn kaalmaha ugu sarreeya ka gasha waxbarashada, gaar ahaan maaddooyinka Fiisigiska, Xisaabta iyo Afka Ruushka ayaa ay is barteen oo xidhiidh guur dhex maray Ulrich Merkel oo ay isku fasal ahaayeen, laakiin guurkaasi ma’ waarin oo waa uu burburay kadib markii ay isqabeen shan sano oo u dhexeeyey sannadihii 1977 illaa 1982kii.

Merkel oo duruufo dhaqaale oo adag ka hor yimaaddeen furniinkii kadib waxa ay bilowday in ay mudalab ka noqoto maqaaxi isla markaana saacadaha aanay shaqayn waxa ay dib u sii ambaqaadday sii wadista cilmiga Fiisigiska. Sannadkii 1981kii waxa ay is barteen ninkii labaad oo ahaa macallinkeedii Sayniska Professor Joachim Sauer oo markaas bare-sare ka ahaa Akademiyadda Sayniska ee magaalada Berlin, Sauer oo ay xaaskiisii hore kala tageen sannadkii 1985kii ayaa guursaday ardayaddiisan Angele Merkel sannadkii 1998kii.

Haddii aynu naqaannay Marwada Koowaad oo dunida looga yaqaanno afada hoggaamiyaha, Barafesoor Sauer maanta isaga ayaa dalkaas looga yaqaannaa Mudanaha Koowaad ama Sayga Koowaad. Si kastaba ha ahaato ee Barafesoorku ma jecla in uu ka hareer muuqdo afadiisa hoggaamiyaha ah ee sidata magaca qoyska ninkii isaga uga horreeyey oo ahaa Merkel. Laakiin sababta aanu agteeda uga soo daahirin hinaase ma’aha, ee waa isaga oo u arka in ay tahay haweenayda dunida ugu awoodda badan, isla markaana doonaya in ay kelideed kartideeda iyo ragannimadeedu muuqan oo aanu isagu garab istaagin si aanu in si uun magaciisu uga garab socon.

Sauer oo ah nin aad u mashquul badan oo maalintii ug uyaraan 14 saac shaqeeya ayaa si aad ah isaga ilaaliya in uu ka soo muuqdo warbaahinta iyo masraxyada diblumaasiyadda, marka laga reebo marar lagu arko xafladaha lagu soo bandhigo Masraxiyadaha Opera, waana sababta ay warbaahinta Jarmalka qaarkood ugu naanaysaan, Rooxaanta Opera.

Sayga Koowaad ee dalka Jarmalku xaaskiisa hoggaamiyaha ah uma arko in ay tahay ardayaddiisii shaybaadhka Fiisigiska uu duruusta ku bari jiray, sidoo kale uma qiimeeyo in ay tahay raysalwasaaraha dalka ugu dhaqaalaha buuran Midowga Yurub, balse waxa uu ku tilmaamaa inuu isagu u yaqaanno, Xaaskiisii uu jeclaa, oo marka guriga la isugu yimaaddo u karisa maraq iyo baradho, Kac-kaca uu jecel yahay. 

Xigasho Geeska Afrika