Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Shaqaaqo ka dhacday Ceel-Afweyn iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Timbaro, ayaa xaqiijiyey dhimashada Shan qof iyo sagaal kale oo dhaawac ah, kaddib shaqaaqo laba beelood dhexmartay oo Arbacadii shalay ka dhacday deegaan ka tirsan degmada Ceel-Afweyn.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in Shaqaaqadu dhex-martay maleeshiyo-beeleed hubaysan oo isugu yimi deegaan Roob ka da’ay.

“Kooxo sahan ah oo ku kulmay meel roob ka da’ay ayaa wax ka dhaceen,” Sidaas waxa yidhi Badhasaabka Gobolka oo koox weriyeyaal kula hadlay Magaalada Ceerigaabo.

Hadalka Guddoomiyaha Sanaag, kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com