Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay rabashado saaka Hadheeyey magaalada Saylac iyo Jabuuti oo Xuduudkeeda Xidhatay (DAAWO)

Saylac (SLpost)- Isku dhac dhexmaray ciidamada Ammaanka iyo Shacab gadoodsan oo mudaharaad ka dhigayey degmada Saylac ee gobolka Salal, ayaa sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Ciidamo isugu jira boolis iyo Milatari oo saaka subaxnimadii hawl-gal ka bilaabmay gudaha degmada Saylac, ayaa sababay isku dhac dhexmaray shacab mudaharaad ka dhigayey Xarunta dawladda Hoose kaas oo sababay dhaawac todoba qof ah oo qaarkood aad uliitaan iyo dhimasha hal qof.

Goobjooge ku sugan magaalada Saylac, ayaa shabakadda wararka Somalilandpost u xaqiijiyey in todobada qof ee dhaawacyadu soo gaadheen xaaladdooda caafimaad culus tahay kuwaas oo laba ka mid ah loo gudbiyey dhinaca dalka Jabuuti, halka intii kalena lagu daawaynayo cusbitaalka magaaladaas.

saylac

Goobjoogahani waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanku rasaas ku fureen dadka shacabka ah oo ka soo horjeeday in la qabto munaasibad xilwareejin ah oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland u tagay magaaladaas, si xilka golaha deegaanka degmada loogu wareejiyo maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee dhawaan la doortay, kuwaas oo labadooduba ka soo jeeda beesha Samaroon, halka beesha Ciise oo ku doodaysa inay deegaanka leeyihiin, ay ka soo horjeedaan in lagala wareego hoggaanka golaha deegaanka ee magaaladaas.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee dhaawacyada shacabka maadaama ciidamada adeegsadeen rasaas nool si ay u kala dareeriyaan dadka mudaharaadayey oo markii dambe naftooda la cararay, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamadu la wareegeen gacan ku-haynta magaaladaas.

Beesha Ciise ayaa go’aan ku qaadatay inaanay aqbali doonin Gole deegaan oo ku yimi Doorashadii Dalka ka qabsoontay isla markaana ay talaabo kasta oo ay xukuumaddu ku talaabsato oo ka soo horjeeda go’aankooda ay ka dagaalami doonaan.


Dhinaca kale, wararka aanu ka helay magaalo-xuduudeedda Lawyacaddo, dawladda dalka Jabuuti, ayaa geli ahaan xidhay xadkeeda ay la wadaagto Somaliland, ka dib markii ay saaka magaalada Saylac ka dhaceen qul-qulatooyinka shacabku ku diiddan yihiin doorashada golaha deegaanka Saylac, waxaana lagu waramayaa in Jabuuti xuduudkeeda xidhatay ilaa inta ay joogsanayaan qul-qulatooyinka shacabka ee degmada Saylac iyo hawl-gallada Ciidamada Qaranku ka wadaan deegaankaas.

SOMALILANDPOST.NET