Dhimashadii Neelam – W/Q: Ceelaabe

Ujeeddada loo Dhisaayo Guriga ama Guurka loo Qabsado Ayaa ah in la helo Awlaad iyo Duriyad ama Caruur ku Abtirsata Magacaaga.Dadka Aduunyada wakhtigan ku nooli waa kuwo kala Dhaqan iyo Caadooyin Duwan,Waxa la heystaa Diimo kala duwan oo aan Tiradooda la qiyaasi karinba.Waxa kala dhaqan duwan Ummada islaamka ah iyo kuwa kale ee Aduunka kula nool,Dhinaca sharciyada,Nolosha,Shaqada,Dhaqanka,Waxbarashada,Taariikhda iyo Tarankaba waa lagu kala duwan yahay laguna kala aragti duwan yahay.Nolosha Dadka islaamka ah Ayaa ah mid leh Dastuur iyo Sharciyo Qoran oo la rabo in dadkeedu ku dabaqaan nolosha una Raacaan,Sharciyadaasi waa samaawi ah Amar xaga Rabi kaga Yimi.Dad kale oo badan Ayaa iyaguna Nolosha u raaca kuna Dhistey Aragtiyo ay ka dhaxleen Awoowyaashood ama iyagu Gacantooda ay ku Qorteen oo Diidey Diintii ilaahey u soo Dejiyey ee Islaamka.

Waxa lagu kala duwan yahay Himilada nolosha laga rabo,Waxa lagu kala duwan yahay Samirka iyo Adkeysiga,Waxa lagu kala duwan yahay Dhaqanada lagu Lifaaqo diinta ama kaba Awooda badan,Waxa lagu kala duwan yahay In la aamino Qadarka Qoran oo Dad badani u Heystaan Nasiib aan gacanta ugu Jirin ilaahey oo si Dabiici ah iyaga ugu dhacey.Waxa ugu Weyni waa in Dad badani rumeysan yahay Jiritaanka Nolol danbe iyo Akhiro kuwo kale oo badana ay ka soo Horjeedaan aragtida ah Jano iyo cadaab.Waxa kale oo Jirta in Qadarka iyo Amarada ilaahey ee Qofka ku dhacaya sida loo aqbalo ama loogu samro lagu kala duwan yahay arimahaasi oo salka ku haya in qofku marka hore ilaahey Rumeysan yahay.

Waalidku wixii Caruur ah ee ilaahay uu ka Helo waa in uu ugu mahad naqaa,Hablo iyo inamaba.Waa dhab in la Jecel yahay Wiilasha ama ay tahay in Caruurtaada Wiilal ku Jiraan,Waa Nimco iyo Raxmad labaduba.Qaar baan Heysanin oo aan waxba Aduunyada ku dhalin,Qaar Ayaa laga diley lagana wada Qaadey,Kuwo kalena Hablo miidhan Ayaa la siiyey,Halka kuwo kalena wada Rag ay ka heleen ilaahey.Miyaad odhan kartaa waxaan Rabaa in aan Helo Wiilal,Mana rabo Hablaha,Miyaad odhan kartaa waa in aan Helaa hablo oo aan diidaa Wiilasha.Miyaad dooran kartaa qofka ilaahey ku siinaayo,Miyaadse diidi kartaa Wixii xaga rabi kaaga Yimaada.

Dhaqamada La yaabka leh waxa ka mid ah in Wadanka India aan inta badan laga Jecleyn Dumarka ama Hablaha.Ninkasta oo Guursada xitaa marka lagu Daro qaar muslinka ka mid ah wuxuu Jecel yahay in uu wiil u dhasho.Aabaha Ayaa guriga sameystey,Aabaha Ayaa caruurtu ku abtirsan doontaa,Aabaha ayaana raba in uu helo Wiil,Waa go,aan ka go,an.Haddii Hablo badani u Dashaan wuxu u arkaa in aanu laheyn Sharaf iyo nolol raaxo ah,Wuxuu aaminsan yahay in raga kale aanu raaci karin,Waxaana Sugaya nolosha korinta iyo u guurinta Hablaha badan ee uu heysto.Arinta ugu Weyna Ayaana ah in Habluhu ay Bixiyaan Meherka oo ay iyagu Guursadaan raga,Halka ummada islaamka ah Ninku uu gabadha doono.

Neelam waa Gabadh ugub ah isla markaasina hooyo noqon doonta Muddo yar ka dib,waxaana la Ogaadey in ay sido Gabadh,Ninkeedii ayaana arintaasi aad uga Xumaadey,Muragadii uu ka qaadey in ay Gabadh sido waxa ay dhaxal siisey in uu Fikir bilaabo la xidhiidha sida uu ka Yeeli doono gabadhani u dhalan doonta.Waalidkii iyo walaalihiisa kale Ayaan xitaa rabin in gabadhiisu ay dhasho inan,Waxaaney aad uga soo horjeedaan in gabadhani ku curato inan halkii laga filaayey wiil.Fikrad Ayuuna Keenay Vijay oo ah ninka gabadha qaba waxaaney Go,aansadeen in marka ay inantu dhalato la geeyo Xarunta agoomaha si halkaasi loogu koriyo ama la siiyo dadka lacagta leh ee raba in ay caruurta korsadaan.Wuxuu ku Qanciyey Neelam oo  ah gabadhiisa in sidaasi la Yeelo.

Waa Murugo in Hooyo Ilmaheedii ugu horeysey uurka ku Sida laga qaado ama la diido waxa ay sido ama umuli doonto.Waxaase ay og tahay dhaqanada sidaasi ah ee wadankooda ka Jira,Waxaana ay Niyada ku heysa Hablaha qeyrkeed ah ee arimahan oo kale ku dhaceen isla markaasina Qaarkood loo Diley kuna dhintey in ay Gabadh sidaan.Neelam waxa ay kal hore Maqashey Reer inantii Wiilkoodu soo Guursadey ay Gabadh ku curatey oo Dab qabadsiiyey iskuna dayey in ay iyada oo nool gubaan mar haddii  wiil laga waayey.aad bey u naxsan tahay,Markasta oo ay ku soo Dhawaato bilaha danbe ee Xaamiladana wey sii Baqeysaa.Waa laba Cabsi mar waa Ugub oo Fooshaa Ayey ka fekireysaa,Marna in aaney u heli doonin wakhti ay kula Ciyaarto Gabadheeda Ayey og tahay.

Neelam Iyada oo ku Jirta bishiii 8aad Ayaa waxa ay maalin Maqashey Oohin iyo Qaylo ka baxeysa Xaafad Jaar ah oo u dhaweyd.Waa gabadh kale oo iyaduna Markii saddexaad Gabadh dhashey.Ninkeedii Ayaa suun ku qaraacey,aadna u diley isaga oo ka cadheysan in markii saddexaad ay gabadh u dhasho,Waxaana la Dhigey Dhakhtar markii uu u qaraaacey si Axmaqnimo ah.

Neelam waxa ay Maqleysaa Dad badan oo Ilmaha iska soo Rida marka ay Ogaadan in gabadh uu yahay waxa ay sidaan.Waxaase ay ka baqeysaa iyada oo Dawlada india soo saartey amar Fal dambiyeed ah dhakhtarka lagu ogaado in uu gabadh ka soo Ridey Hooyo uur leh.Dembi Ayey Neelam gashey marka loo eego Dhaqankooda iyo Diinta ay Heystaan ama Raga qaba,Waxaana ay sidaa Gabadh.Waalidkeedii Ayaa ka naxey,sidaasi oo kale Ayaana waalidkii Ninkeedu uga naxeen markii la Yidhi waa gabadh.Waaliidkeed Wuxuu ka Naxsan yahay Waxa ay u geysan doonaan inantooda Reerka ay u dhaxday.Laakiinse waa dhaqan Ay iyaguna og yihiin.aabo badan oo India Jooga Ayaa ka masuul ah Dhimashada Hablo badan oo Aduunka iman lahaa.Neelam mar labaad haddii ay inan kale caloosha ku Qaado Maxey filan kartaa ama ninkeedu kula kici doonaa.

Abdifatah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com