Dhiirranaan Dhib U Nugul!! – W/Q: Cumar Seerbiya

helloKu Dhaca ama Iskudaygu waa mid ka mid ah dariiqooyinka guusha lagu gaadho , qofkuna sida ay sheegaan culimada cilmi-nafsiga aqoonta u lahi  inta uu istijaabiyo ayuun buu ogaan karaa heerka go’aan, sixitaan , ama khalad  ee uu garaadkiisu taaganyahay.

Waxa uu had iyo jeer jecelyahay in uu ahaado qof bulshada dhexdeeda looga muujiyo calool furnaan  kal-gacal, iyo is faham xoogan,  dabeecadiisa waxa uu  isku dayaa in uu ka dhigo ta ugu fiican ee qof bani aadamahi uu huwanyahay, isku day badan waxa uu ku guulaystay in uu naftiisa ka saaro  dhammaan waxyaabaha galinkara cidhiidhiga, ama diiqada.

Qofkasta oo uu la kulmo badanaa waxyaabaha uu weydiiyo ayaa ay ka mid tahay  magaciisa ,dabeecadihiisa iyo  goobta  lagala  xidhiidhi karo, waxaanu ku qaabilaa qofka dhoola caydayn , weji fur-furan oo aad moodo in ay beryo is yaqaaneen.

Qofka marka uu la  kulmo kama hadhso mana lumiyo balse  waxa uu isku dayaa in uu xidhiidh fiican la sameeyo  waxaana ka dhigtaa mid ka mid ah asxaabta ay isku fikirka iyo xogta yihiin .

Alle ha u naxariistee Dr Ibraahiim Al-fiqi oo ahaa aqoonyahan u dhashay dalka Masar xeel dheernaa u lahaa arrimaha bulashada  ayaa yidhi  “ Ha yaraysanin cadaw kaliya oo aad leedahay hana badsanin saaxiibo badan oo aad leedahay (ha isku yarayin asxaabta iyo dadka macaariifta ah adiga oo isku qancinaaya in inta aad taqaano kugu filantahay)” ayuu yidhi

 Shakhsigan  oo ah mid asxaabtayda  ayaanu muddo ka hor maalin aanu  waqti waafi ah isku helnay waxa uu  iiga  xog-waramay  cabashooyin uu ka sheeganaayey  asxaabtiisa taasi oo uu iiga waramay  in muddo ahba maankiisa ku soo laabanaysay in uu ka hadlo , waxaanu hadal uu si kalsooni ku dheehantahay iigu yidhi  sidani:  “ Run ahaantii waxaan in badan isku dayaa in aan bulshada dhexdeeda  ka dhex dhaq-dhaqaaqo waxaan waqti badan geliyaa in aan dadka raali geliyo  dadka iyo dhammaan cidii aanu muuq ahaan iyo magac ahaanba dadka  isa soo soocayno “.

 Waxaanu ninkan oo iga codsaday in aan dareenkii  ku cabiro qoraal ii sheegay in uu waqtiyo badan uu  qaybo ka mid ah macaariifta uu  hadimo kala kulmay isaga oo si dareen leh   u hadlaaya ayuu yidhi “ Kuwo ka mid ah way I dageen aniga oo aaminay markaa marna waa iga beerjiliic in aan ka gaabsan kariwaayo hadana waan ka qoomameeyaa “.

Ka dib markii uu sheekadan ii dhameeeyey saaxiibkay  ayaana waxaan u soo xulay  magaca sheekadan “Dhiiraan Dhib U Nugul”

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)

Omarserbia1@hotmail.com