Dhegeyso: Xisbiga Kulmiye oo munaasibad ballaadhan ku soo dhaweeyey 11 xildhibaan oo siyaasaddiisa u Qushuucay

Hargaysa(SLpost)  Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay xaflad loo sameeyay 11 xildhibaan oo ku soo biiray xisbigaasi ayaa sheegay in ay si heer sare ah u soo dhawynayanaan xildhibaanada ku soo biiray waxaanu intaa raaciyay in uu sidoo kale u mahad celinayo cid kastoo ka hawl gashay hawsha maanta dhamaatay.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo ka hadlay shirweynaha xisbiga ee dhawaanta qabsoomi doona ayaa sheegay in uu noqon doono mid ilaaliya xuquuqada muwaadiinta dalka da a kasta oo ay yihiin islamrkaa uu raayanayo in uu u dhici doono si wanaagsan.
Waxaamu tilmaamay in dalku dastuur leeyahay kaas oo xaq siinaya muwaadin iyo masuul kasta sidaa darteed loo baahan yahay in la ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay shir gudoonka baarlamanku in uu leeyahay hab maamuus gaar ah waxaanu sidoo kale sheegay in qaranka uu matalo madaxweynuhu islamrkaa aan loo baahnayn shir beeleedyo ay qabanayso cid kale sidaa darteed xukuumada lagu tix galiyo hawsha loo igmaday mucaaridkuna aanu ku faro galin hawshaasi masuuliyaydeed.

Muuse-Biixihttps://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2013/11/muuse.mp3

 

Somalilandpost.net

Hargaysa