DHEGAYSO/DAAWO: Dhagax-dhigga Madaxweyne Siilaanyo ee Dekedda Lughaya iyo Bogaadintii Odayaasha iyo Wax-garadka Awdal

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii miisaanka lahaa ee uu hogaaminaayey oo ku guda jira Maalintii labaad Socdaalkoodii shaqo ee Gobolada Awdal iyo Selel ayaa saaka waxa uu la quraacday Dadweynaha Magaalada Saylac, kadibna waxa uu madaxweynuhu dhex-lugeeyey Magaalada Saylac, isaga shacbiga reer Saylac kula hadlay goob-fagaare ah, kulankaasi ka dibna madaxweynuhyu waxa uu halkaasi ka sii ambaqaaday socdaalkiisii ahaa u kuurgelida iyo ka warhaynta Shacbi weynaha Gobolada Awdal iyo Selel isaga oo saacadu markay ahayd 1:30PM ku soo beegmay Lughaya oo uu madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn aan loo kala hadhin hadii ay tahay Cuqaal, Sulaadiin, Culimo awdiin, Xildhibaano, Masuuliyiin.

Isaga oo madaxwweynuhu soo dhawayn taasi kadibna dhagax-dhigay Deked ay yeelan doonto Lughaya.

Halkaas waxa hadal ka jeediyey Xildhibaan Axmed Yaasiin Shekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Mudaneyaasha golaha Wakiillada oo laga soo doortay gobolka Awdal.

HALKAN GUJI SI AAD U DHEGAYSATO

Intaasi ka dibna waxa Wftiga madaxweynaha hadhimo sharafeed looghu sameeyey Lughaya, ka dibna waxa uu u sii watay Madaxweynuhu Safarkiisa.