DHEGAYSO: Xildhibaanno iyo Salaadiin ka soo Jeeda gobollada Awdal iyo Selel oo Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey Dhagax-dhigga Dekedda Lughaya Shacabka iyo Qurbje-joogtana Baaq u diray

lughayaLughaya (SLpost)- Xubno ka tirsan Xildhibaannada Goleyaasha Wakillada iyo Guurtida ugu Jira Gobollada Awdal iyo Selal iyo Salaadiinta Gobollada, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey dhagax-dhigga Dekedda magaalada Lughaya oo uu munaasibad loo dhan yahay shalay dhagaxihii ugu horreeyey ku dhigay.

Mudaneyaashan iyo madax-dhaqameedkani waxa ay dhinaca kale baaqyo ku aaddan hirgelinta dhismaha dekedda u direen Qurbejoogta u dhalatay gobollada iyo dhammaan bulshada Somaliland ee gudaha dalka ku sugan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen tabarucaadka loo ururinayo Dekedda magaalada Lughaya oo noqonaysa dekeddii ugu horreysay ee dalka laga hirgeliyo iyada oo ay iskaashanayaan shacabka iyo Xukuumadda Somaliland.

GUJI HALKAN SI AAD U DHEGAYSATO 

 

SOMALILANDPOST.NET